Xukuumadda Somaliland Oo Digniin U Dirtay Ganacsatadda Kordhiyay Qiimaha Maceeshadda

0
425

Hargaysa (Dawan): Xukuumadda Somaliland ayaa awaamiir culus ka soo saartay ganacstadda kordhiyay qiimaha noocyadda kala duwan ee maceeshadda darruuriga ah oo labadii maalmood ee u danbeeyay sicir-barar ku yimid.

Kadib markii ay guddiga heer qaran ka hor taga xanuunka Coronavirus ay ku dhawaaqeen in la xidho goobaha waxbarashadda, lana yareeyo kulamadda goobaha bulshaddu isugu timaado lana joojiyo xafladaha.

Waxaanay xukuumadu uga baaqday ciidamadda booliska, ciidamadda qaranka, guddoomiyeyaasha goboladda dalka, maayarrada magaalooyinka dalka in ay la socdaan dhaq-dhaqaaqyadda iibka maceeshadda ee Dukaamadda iyo Bakhaarrada.

Iyadoo looga digay in tallaabo laga qaadi doono cidii la arko in ay kordhisay qiimaha maceeshadda darruuriga ah.

Sidaasina waxaa sheegay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka wasaaradda dastuurka iyo xidhiidhka goleyaasha, wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda.

Taliye ku-xigeenka ciidamadda booliska, badhasaabka gobolka Maroodijeex iyo maayar ku-xigeenka caasimadda Hargaysa,  oo maanta si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Waxaana shirkaasi jaraa’id ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, oo faahfaahiyay fariinta ay ganacsatadda u dirayaan iyo tallaabadda laga qaadayo cidii kordhisa qiimaha raashinka.

 

Halkan Ka Daawo Fariinta Wasiirka Arrimaha Gudaha:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply