Burco: Wasiirka Hawlaha Guud Oo Xadhiga Ka Jaray Laba Biriij Oo Dayactir Lagu Sameeyay

0
497

Burco (Dawan): Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud iyo Dhulka Somaliland C/rashiid Ducaale Qambi, ayaa maanta xadhiga ka jaray labada Biriij ee magaaladda Burco Deero Biriij iyo Chiina Biriij.

Bariijyadaasi oo ay waxyeelo gaadhsiiyeen Daadadkii ka dhashay roobabkii mahiigaanka ahaa sanadkii hore ka da’ay gobolka Togdheer iyo dalkoo dhanba.

Labadan Biriij oo dayactir baaxad leh lagu sameeyay waxaa bixiyay lacagta dib-u-dhiska madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo markii Daadadka dhibaatadda gaadhsiiyeen Biriijyadaasi balan qaaday in si deg deg ah loo dayactiro.

Waxaana dayactirka labadan Biriij hirgelisay shirkadda dhismaha ee Hira doo si weyn loogu amaanay sida daacadnimadda leh ee ay u qabatay hawsha dhismaha Biriijyadaasi.

Munaasibad loo sameeyay xadhig ka jarista dayactirka labadan Biriij waxaa wasiirka hawlaha guud ku wehelinayay maamulka gobolka Togdheer.

Masuuliyiin ka socday golaha deegaanka Burco, oo uu ka mid ahaa xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oosi weyn uga qayb qaatay dedaalkii dayactirka Biriijyadaasi.

Halkan Ka Daawo Hadalkii Wasiir Qambi:

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply