Kuuriyada Waqooyi Oo Tijaabisay Gantaalo Dheeraad Ah

0
539

Pyongyang (Dawan)- Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay illaa iyo labo gantaal sida ay sheegeen masuuliyiinta milatariga Kuuriyada Koonfureed.

“Waxa ay sheegeen in gantaalada latijaabiyay ay u muuqdeen nuuca ridada dhexe” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay milatariga Kuuriyada Koonfureed.

Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale tijaabisay dhawr gantaal horaantii bishan.

Dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha ayaa Pyongyang uga baaqay in ay dib ugusoo laabato miiska wadahadalka si loo dhameeyo qorshaheeda niyukleerka iyo gantaalada.

Tijaabinta gantaalada ee Kuuriyada Waqooyi ayaa kusoo beegmaysa xilli dunida ay ladaalaa dhaceeso wax ka qabashada xanuunka saf mareenka ah ee coronavirus.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply