Tiradii Ugu Badneyd Oo Xanuunka Corona Ugu Dhintay Talyaaniga

0
427

Roma (Dawan)- Dowladda Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday in Jimcihii in kabadan 627’ruux ay xanuunka Corona ugu dhinteen gudaha dalkaasi, tiradaasi oo ah tii ugu badneed ee maalin qura ladiiwaan galiyo.

Tirada guud ee waqti xaadirkan dadka xanuunkan ugu dhintay gudaha Talyaaniga ayaa gaareeso 4,032 ruux. Waxaana Talyaaniga uu yahay dalka ugu daran ee waqtigan latacaalaya caabuqan.

Spain ayaa ah dalka labaad ee qaaradda Yurub ku yaalo oo ay dadka ugu badan xanuunkan ugu dhinteen iyadoona haatan tiradu ka badan tahay 1,000 ruux.

Wadamo badan oo dunida ku yaalo ayaa saacadihii aynu kasoo gudubnay qaaday talaabooyin ay kaga hortagyaan caabuqa Covid-19 oo ay dunida oo idil ugu geeriyoodeen inkabadan 11,000 oo ruux.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply