Guddiga Ka Hortaga Covid 19 Ee Sool Oo Soo Kormeeray Goobaha Dadka Lagu Baadho

0
476

Laascaanood (Dawan): Tan iyo markii uu soo baxay xanuunka aduunka aafeeyay ee Corona Virus ayaa xukuumadda somaliland waxay qaaday tallaabooyin lagaga hor tegayo xanuunkaasi.

Waxaana la sameeyay guud ahaanba dalka Somaliland guddiyo heer qaran iyo heer gobolba ah  oo ka shaqeeya ka hor taga xanuunkaasi.

Guddiga ka hor taga xanuunka Corona Virus ee gobolka Sool ayaa maanta kormeer ku soo maray goobaha loogu tallo galay in lagu daaweeyo laguna Karantiilo dadka laga helo xauunkaasi.

Waxaanay xubnaha guddigaasi soo indho indheeyeen meelo loo qorsheeyay in lagu baadho xaaladda caafimaad, isla markaana lagu xakameeyo haddiiba ay dhacdo in qof laga hello Corona Virus.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply