Guddida Qandaraasyada Qaranka oo iska-beri-yeellay khilaaf dhexdooda ah iyo musuqmaasuq

0
574

“Shacbiga Somaliland wuu ka marag-kacay shaqada Xafiiska, daneeyayaasha oo ay ugu horeeyaan..”M. Axmed Baarcad..
Hargeysa(Dawan)-Guddida Qandaraasyada qaranka Somaliland ayaa beeniyey in wax khilaaf ah u dhexeeyo Guddoomiyaha iyo xubno kamida guddidaasi, kaddib markii ay warbaahinta qaar baahisay in ismaandhaaf ka dhexeeyo.

Xubno kamida guddida oo si gaar ah loogu xidhiidhiyey khilaafka oo ay weheliyaan xubnaha kale ee guddida ku jiraa, ayaa shir jaraa’id oo Arbacada maanta ay ku qabteen xafiiskooda Hargeysa, waxa ay ku beyaamiyeen in aan haba yaraatee wax khilaaf ahi ka dhex jirin Guddida dhexdooda iyo hogaankooda toona.

Guddidu waxa kale oo cadeeyeen in si cadaalad ah loogu tartamay, looguna guulaystay qandataaskii u dambeeyey ee ay bixiyeen, kaasoo ahaa keenista Timirta Ciidanka, waxaanay faahfaahin ka bixiyeen qaabkii loo kala saaray shirkadihii ku tartamay mashruucaasi.

Maxamuud Maal, Maxamed Xayd Diiriye, Marwo Caasha iyo Maxamuud Axmed Baar-cad oo dhamaantood kamida xubnaha guddida, ayaa sheegay in saddex shirkadihii ku tartamay qandaraaska timirtu iyagoo dhamaantood ku niyadsan habka tartanku u dhacay ay ku qanceen, guddiduna leedahay qaab daah-furan oo ay ku kala xullaan shirkaddaha ku tartama qandaraasyada,waxaanay dhanka kale amaan u jeediyeen hab-maamulka guddoomiyaha guddidaasi iyo xubnaha kale fulinta.
“muddadaa labada sanadood ah wax khilaaf ah oo guddidan dhex maray muu dhicin, ku dambena in aanu iman ayaan rajjeynaynaa, taas macnaheedu waxa weeye in guddoomiyuhu aanu wax awoodda dheerayn guddida ee uu guddoomiyo wixii ay guddidu go’aan ka gaadhayso,kaddibna uu dadweynaha iyo warbaahinta u sheegaa.”ayuu yidhi Maxamuud Maal oo ugu horayn shirka jaraa’id ka hadlay.

Maxamed Xayd Diiriye ayaa isna sheegay in guddidu qiimaha waxyaabaha ay qandaraaska ku bixinayaan ka qaataan tartameyaasha si ay uga fogaadaan tuhun iyo dani cid lagu xidhiidhiyo wasto iyo eex in lagu siiyey qandaraas.

Komishaneer Xayd waxa uu faahfaahin ka bixiyey qaabkii loogu tartamay qandaraaska Timirta, isagoo cadeeyey in hab daah-furan uu u dhacay tartankaasi, kana qanciyey bulshada dareen kasta iyo dooc walba oo laga qabo howsha guddida.
“waxaan beri yeellayaa in aan qaraabo kiil cid lagu siin qandaraas, in aan khilaaf ka dhicin guddida dhexdeeda, in aanu qandaraaskaa u dambeeyey shirkadii lagaga guulaystay u bandhigay in ay cabasho qabto, oo ay hambalyeeyeen shirkadii ka guulaysatay”ayuu yidhi Xayd.
Marwo Caasha oo kamida guddida ayaa iyaduna sheegtay”Waxaanu nahay dad isku xidhan oo xeer ku shaqeeya oo wax kasta ka wada baaraan-dega”.

Maxamuud Axmed Baarcad oo kamida xubnaha guddida, ayaa isna dhankiisa sheegay in xafiiska guddida qandaraasyadu ku shaqeeyo ujeeddooyin iyo nidaam cad oo aan wax lagu murmi karo ahayn. “Shacbiga Somaliland wuu ka marag-kacay shaqada Xafiiska, daneeyayaasha oo ay ugu horeeyaan shirkaddaha tartamaana way ogyihiin xafiiska waxa yaalla”ayuu yidhi Maxamuud Baarcad.

Guddida, ayaa gebagebadii ugu baaqay warbaahinta in ay ka waantoobaan been abuurka iyo waxyaabaha tashuushka lagu gelinayo shaqada xaasaasiga ah ee ay qaranka u hayaan guddi ahaan iyo Hay’addaha kale ee dhigooda ah.

Qore: Saleeban Kalshaale

Leave a Reply