“Qaadku marka runta laga hadlo waa arrin adag haddii aanu”…

0
557

Hargaysa (Dawan): Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in aanay suurto gal ahayn in wakhtigan la joojiyo Qaadka Somaliland uga yimaadda dhinaca dalka Itoobiya oo dawladda dhaqaale ka soo gallo.

Kadib markii  ay isla maanta sheegeen guddiga heer qaran ee  ka hor taga xanuunka Corona, iyadoo ay sheegeen in la xidhay gebi ahaanba xuduudaha dhulka Somaliland la leedahay Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya muddo saddex todobaad ah.

Taasoo ka bilaabanaysa Khamiistan maanta oo ay bishu tahay 26-ka March, iyadoo la joojiyay dhamaanba waxyaabaha dalka ka soo gala dhinaca dhulka.

Arrinta la xidhiidha joojinta Qaadka ayay maalmahan si weyn bulshadu iskula dhex marayeen hadal haynteedda, waxaanay ku doodayeen kuwa taageersan in la joojiyo Qaadka maadaama oo Itoobiya laga helay kiisas badan oo xanuunka Corona ah.

Hase yeeshee  wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, oo xubin ka ah guddiga heer qaran ee  ka hor taga Covid 19 ayaa cadeeyay in ay arrin adag tahay in lagu deg-dego joojinta Qaadka.

Arrintaasi oo uu ku sababeeyay xuduudka aadka u dheer ee ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya oo aan la wada ilaalin Karin.

Waxaanu yidhi, “Qaadka marka si run ah looga hadlayo, Qaadku waa mawduuc (issue) adag. Haddii aanu ka joojino in uu Wajaale ka soo gallo, xuduud 1000 KM ah ayaanu la leenahay Itoobiya. Kunkaa kiiloo mitir Waddo kastaaba way furan tahay”.

Wuxuu sheegay wasiir Koore, in gawaadhida Qaadka ka keena Itoobiya aan loo ogolayn in ay soo raacaan laba qof wax ka badan, kuwaasoo weliba caafimaadkoodda la soo baadhay.

“Waxaanu isku deyaynaa in aanu dhibtiisa yarayno. Labadda qof ee baabuurka Qaadka soo raacayaa ay noqdaan laba qof oo la baadhay caafimaadkoodda, Wadadiisiina aanu hadda u dayno”ayuu yidhi wasiir Koore, oo maanta u waramay BBC.

Geesta kale wasiirka warfaafinta Somaliland waxa uu sheegay in haddii loo arko in dhibaato ay bulshadda kaga soo socoto dhinaca Qaadka in markaa tallo laga yeelan doono.

Waxaanu yidhi, “Haddii loo arko dhibaato iyo wax weyn, oo ummada dhib ku ah in uu yimaadana, markaa tallo ayaa looga noqonayaa, ummadana waxbaa laga waydiinayaa”.

Dhinaca kale Qaadka ka yimaadda Itoobiya waxaa dhaqaale ahaan ku tiirsan dawladda Somaliland oo dakhli fara badani ka soo gallo cashuurtiisa.

Halka sidoo kale-na ay nolol ahaan ugu tiirsan yihiin boqolaal qoysas ah iyo boqolaal qof oo kale oo shaqo maalmeedkoodu yahay xidhan yahay Qaadka.

 

Dawannews.com/Hargeisa Office.

 

 

Leave a Reply