Hargeysa: Rakaabkii La Socday Diyaarada Ethopian Airlines oo Dhammaan la Karantimay.

0
644

Hargeysa-(Dawan)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay karaantiishay dhammaan rakaabkii la socday diyaaradda Ethopian Airlines, iyadoo la geeyay goob muddo afar iyo toban cisho lagu hayn doono.

Talaabadan ay xukuumaddu qaaday ayaa qayb ka ah fulinta  go’aamada ay soo saareen guddida ka hortaga cudurka coronavirus, waxana dadka la karaantiilay ka mid ahaa nin xammaal oo ka shaqeeya garoonka diyaaradaha ee Cigaal ,  kaasi oo taabtay shandad ay siteen dadka diyaaradda la socday sida uu Wargeyska Dawan u xaqiijiyey mid ka mida hawl wadeenada Madaarku .

 

Rakaabka oo dhammantood caafimaad qaba kuma jiraan cid laga shakiyay, waxase sidan loo samaynayaa si loo hubiyo bed-qabka shacbiga, dadkaasna loo ban-baaniyo xaaladooda maadaama ay ka yimaaddeen Waddamo kala duwan oo cudurku ka jiro .

 

Dhinaca kale waxa guud ahaan deegaanada Somaliland laga dareemaya inay joogsadeen munaasibadihii iyo goobihii dadku isugu iman jireen oo kamid ahaa isla qodobada gudidu ugu tala gashay in lagaga hortago cudurkaasi faafitaankiisa oo xilligan u muuqda in xukuumadu aad uga gaashaamatay.

 

Shirkaddaha Telesom iyo Somtel ayaa qayb ka qaadanaya gudbinta fariimaha caafimaad ee ay wasaaradda horumarinta caafimaadku u gudbinayso shacabka kuwaasi oo ay ka ah ka hortaga cudurka dunida samaynta badan ku leh ee Coronavirus .

 

Saciid Cagjar

Dawannews.com

Leave a Reply