Nuxurka Fariin uu agaasimaha Wasaaradda Cafimaadku Faraqa ugu Guntay Shaqaalaha Madaarka Hargeysa

0
574

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo ay weheliyaan guddida farsamo ee xannuunka Corona, ayaa u kuurgalay hawlaha baadhitaan ee ay sameynayaan shaqaalaha wasaaradda caafimaadka iyo kuwa madaarka ee la xidhiidha bulshada kala duwan ee garoonka diyaaraha ee magaaladda Hargeysa ka soo degaya.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi  “Waxaanu maanta joogna garoonka diyaaraha ee magaalada Hargeysa, waxaa aanu soo booqaney shaqaalaha caafimaadka ee ee ka hawlgala madaarka Hargeysa, oo ah goobaha mihiimka ah ee waddanka laga soo gallo.

Waxaanu shaqaalaha garoonka iyo hawl wadeenada wasaaradda caafimaadka ee jooga madaarka ku adkeeyay inay baadhaan qofkasta oo ka soo dega, madaarka, islamarkaana ay si dhaw iyo si dheerba ula socdaan”

Dr. Xergeeye isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas raaciyey “Sida aynu la socono waxaa jirtay in muddooyinkii u danbeeyay wasaaradda caafimaadku ay ku jirtay heegan ballaadhan oo ah dhinaca xannuunka fidaya ee Corona-vireska marka waxaa aanu soo booqaney sida ay u socodaan hawlaha wasaaradda caafimaadku ay ka waddo madaarka Hargeysa, waxaananu dooneynay in aanu la dardaarano shaqaalaha halkaasi jooga, waxaa kale oo aanu eegeynay agabka ay ku shaqeynayaan, iyo bal inay u dhammeystiran yihiin waxyaabaha loo baahan yahay, waxaananu aragnay inay guud ahaan si fiican u shaqeynayaan oo hawshu si qurux badan u socoto, waxa kale oo aanu idinkula dardaarmayna in aad sii libin laabtaan hawsha, waxaan idin leeyahay baadha qof wal oo ka soo degaya madaarka, oo aad eegtaan xumadiisa, oo aad eegtaan xaladiisa, oo aad si dhaw iyo si dheerba ula socotan dadka ka imanaya dibada ee ka soo degaya madaarka”

Khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Leave a Reply