Waa Sidee Hawlaha Baadhitaanka Corona Virus Ee Wajaale?

0
558

Tog-Wajaale (Dawan): Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa maanta kormeer qiimayn ah ku tegay goobaha baadhitaanka xanuunka Covid19 magaaladda Wajaale.

Waxaana kormeerkaasi agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ku wehelinayay xubno ka socday kooxda ka hor taga Corona Virus, ee wasaaradda caafimaadka.

Dr. Xergeeye, ayaa soo kormeeray  goobaha lagu baadhayo dadka  ka soo gudbaya xuduudka Wajaale ee dhinaca Itoobiya iyo sidoo kale dadka ka tegaya dhinaca Somaliland ee u gudbaya Itoobiya.

U jeedadda booqashadda agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland ku tegay Wajaale ayaa la xidhiidhay sidii uu xog ogaal ugu noqon lahaa sida ay u shaqaynayaan hawlaha baadhitaanadda dadka.

 

Sidoo kale agaasimaha ayaa daawooyin iyo qalab caafimaad gaadhsiiyay cubsitaalka magaaladda Tog-Wajaale.

 

Isagoo kormeeray kooxda qaabilsan baadhitaanka xanuunka Corona Virus ee Wajaale siday u shaqaynayaan, iyo isagoo u siday qalabkii lagu shaqaynayay sida Gloves, Masks, Saabuun, iyo anti-septic lagu nadiifiyo Gacmaha.

 

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply