Boorama oo Laga Wado Wacyi-gelin Ku Saabsan Cudurka Coronavirus

0
717

Borame(Dawan) Agaasimaha Guud ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xeergeeye ayaa kulan la qaatay Guddida Xarumaha Caafimaadka aas aasiga ah ee Hooyada iyo Dhallaanka ee degmada Borame.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda HPA oo kaashanaysa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa ku saabsanaa sidii loo wacyigelin lahaa xarumaha caafimaadka Aas aasiga ah, si ay uga wacyigeliyaan bulshada cudurka Koroona Fayras.

Waxaana ugu horayn madashaasi ka hadashay Maryan Cabdilaahi Daahir oo ka socotay Hay’adda HPA oo kulankaas ku tilmaantay  mid lagu wacyigelinaayey Guddida Caafimaadka iyo qaybaha Bulshada hababka looga hortegi karo xanuunka Koroona Fayras, si ay iyaguna qaybaha kale ee bulshada uga wacyigeliyaan Xanuunka Korona Fayras.

Waxa iyaguna goobtaas ka hadlay Isu Duwaha wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee gobolka Awdal Dr Mukhtaar Jaamac Nuur, Badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali oo tilmaamay in ay goobtan isugu yimaadeen guddida Xarumaha Caafimaadka ee kala duwan ee magaaladda Borame, kuwaas oo loo gudbinaayo fariimihii kasoo baxay guddida sare ee ka hortaga Xanuunka Fayras ee heer Qaran, waxaanay usoo jeediyeen in la gaadhsiiyo fariintan ka hortaga Xanuunka Korona Fayras Dumarka iyo Carruurta yimaada xarumaha Hooyada iyo Dhallaanka ee magaaladda Borame.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xeergeeye oo isna madashan ka hadlay ayaa kulankan ku tilmaamay kulan wacyigelin ah, waxaanu ku dhiirigeliyey kasoo qayb galeyaashii madashan in ay qaadaan fariimaha Guddida Ka Hortaga Xanuunka Korona Fayras oo ay gaadhsiiyaan bulshada inteeda kale, kuwaas oo ay ugu horeyso in lagu dedaalo Nadaafada guud iyo nadaafada gaarka ahba, waxaanu kula dardaarmay in si wada jir ah xanuunkan looga hortago.

Dhinaca kalena Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Maxamed Cabdi Xeergeeye ayaa socdaal indho indhayn ah ku tegay goobaha loogu talo galay in lagu karantiimeeyo dadka looga shakiyo xanuunka Korona Fayras iyo haddii la helo dad uu soo ritay xanuunkani magaaladda Borame.

Xarumahan ayaa laga hirgeliyey Cisbitaalka Al-Xayaad ee magaaladda Borame , waxaana Kormeerkan ku wehelinaayey Agaasimaha Guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland , Masuuliyiin ka socotay Hay’adda HPA, Isu Duwaha wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee gobolka Awdal .

Leave a Reply