Laascanood: Maamulka Dawladda oo Kormeeray Hudheeladda Cuntada iyo Meheradaha Shaaha

0
530

Laascaanood(Dawan)Maamulka degmada Laascaanood ayaa kormeer ay ugu kuur galayaan nadaafadda iyo fayo-dhawrka ku soo maray suuqyada magaaladaas, siiba goobaha wax laga cuno.

Maayarka magaalada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale ayaa waxa  kormeerkaas ku weheliyaan xoghayaha fulinta ee dawlada hoose ee degmadaas Cabdiraxmaan Khadar Gaas, iyo agaasimaha waaxda arrimaha bulshada Jaamac Cali Xaashi, ayaa waxay soo kormeereen hudheelada, maqaaxiyaha iyo goobo kale oo magaaladaas ka tirsan magaaladaas.

Masuuliyiinta degmada Laascaanood ayaa kormeerkas ka dib sheegay in dirays u gaar ah loo samayn doono hawl-wadeenada ka shaqeeya goobaha cuntada, si loo illaaliyo nadaafadda iyo fayo-dhawrka guud ee bulshada.

Ugu damayn madaxda degmada Laascaanood waxay xuseen in kormeerkaasi uu qayb ka yahay fulinta dadaalada ay wadaan guddida heer qaran ee ka hortagga iyo u diyaargarawga xannuunka Corona Virus ee Somaliland.

Leave a Reply