Wasaaradda Waxbarashada Iyo Barayaasha Dalka oo ka Shiray Habka Online-ka ee Ardayda Wax lagu Barayo

0
721

Hargeysa(Dawan)Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi ayaa kulan la qaatay macalimiinta loogu talo galay in ay ka hawlgalaan Barnaamijka waxbarashada lagu gaadhsiinaayo ardayda fasaxa ka gashay waxbarashada Somaliland.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Manaahijta ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayay wada qaateen wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland oo uu weheliyo Agaasimaha Wasaaraddaasi iyo macalimiintan oo noqon doona macalimiinta dhigi doona macluumaadka laga baahinaayo telefishanada iyo warbaahinta kala duwan ee la gaadhsiinaayo ardayda ku sugan guryahooda.

Agaasimaha waaxda Manaahijta ee wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo isagu halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyey macalimiintan iyo waxyaalaha looga baahan yahay, isaga oo ka warbixiyey halka uu marayso diyaarinta Barnaamijkaasi.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Abokor Maxamed oo isna goobtaas ka hadlay ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in ay Macalimiintu u samraan mudada la duubaayo casharadaasi, isla markaana ay isku xilqaamaan sidii ay bulshadooda u gaadhsiin lahaayeen aqoonta ku jirta.

Waxa kale oo uu Agaasime Axmed Abokor sheegay in sida ugu suurtagalsan ardayda loo gaadhsiin doono casharadan.

Ugu dambayna Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo halkaas ka hadlay ayaa tilmamaay in macalin kasta, masuul kasta iyo qofkasta ay saaran tahay masuuliyad la xidhiidha sidii uu bulshadiisa ugu faa’iidayn lahaa.

Waxa uu wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland kula dardaarmay Waalidiinta in ay jadwal u sameeyaan carruurtooda, jadwalkaas oo ka bilaabmi doona toddobada subaxnimo ilaa laba iyo tobanka duhurnimo.

Leave a Reply