Dhallinyaro Mashiinada Ogsajiinta ugu Deeqay Cisbitaalka Boorama

0
629

 

Borama -(Dawan): Dhallinyarada ku midawday Barnaamijka Borama One Dollar ayaa saaka ku wareejiyaya agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaada Somaliland Dr Xergeeye qalab caafimaad oo ay ka mid tahay Ogsajiino oo ay ugu tala galeen inuu kusii wareejiyo masuuliyiinta Cisbitaalka Boorama.

 

Barnaamijkan oo ay ku bahoobeen dhallinyarada magaalada Boorama ayaa loogu tala galay in lagu horu mariyo magaaladaasi iyo guud ahaan Gobolka Awdalka.

 

Dhallinayarada bilwoday barnaamijka horumarineed ee hal doolar ayaa agaasimaha guud ku wareejiyey afar mashiin oo ah nooca neefta ama Oxygen ka.

 

Guddoomiyaha dhallinayarada Barnaamijka hal Doolar ,Khadra Cumar Samriye  ayaa sharaxday sababta ay xilligan u door bideen mashiinada Ogsajiinta , waxana ay tidhi “ Markii aanu arag xaaladda caafimaad ee hadda taagan , markii aan darisnay xanuunka Cornv-19 , waxaanu go’aaminay in aanu Ogasajiino usoo iibino Cisbitaalka Wey nee Boorama “

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadk Somaliland, Dr Maxamed Cabdi Xargeeye ayaa bogaadiyey dhallinyarada , waxaanu usoo jeediyey in qorshaha halka doolar magaalo kasta gaadhsiiyeen si loogu horumariyo dalka . “Waxan jeclahay in Aydan ku kooban Boorama ee aad noqotaan urur Somaliland iyo geeskaba gaadha oo hiigsada meel ka saraysa halka uu maanta taagan yahay “

 

Dr Maxamed Cabdi Xargeeye ayaa sheegay in xilligan baahi wayno loo qabo Ogasajiinta , waxana uu mahadnaqay dhallinyarada barnaamijka hal doora  “inaad ka bilowda wasaaradda caafimaadk oo weliba aad Oxygen intaas oo mashiina bixiseen ku wareejisaa xilli aad loogu baahan yahay aad iyo aad ayaad ugu Mahadsan tihiin waana guul weyn” ayuu yidhi

 

Leave a Reply