Wasaaradda Isgaadhsiinta Somaaliland oo Wadda Qorshe ay ku Shaqeeyaan Shaqaalaha Dawladda ee la Fasaxay

0
453

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda isgaadhsiinta iyo teknoolojiyadda Somaliland ayaa shaacisay inay ku hawlan tahay qorshe ay ku rabto in shaqaalaha dawlada  ee la fasaxay ay shaqeeyaan iyaga oo guryahooda ku sugan muddada ay taagan tahay xaalada adagi.

Wasiirka wasaaradda isgaashsiinta iyo teknoolojiyadda mudane  Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi Jibriil, oo kulan deg degga isugu yeeshay madaxda iyo masuuliyiinta  ayaa sheegay in nidaamkan ay sameyntiisa ku hawlan yihiin uu sahlayo in madaxda wasaaradduhu kulamadoodii ku yeeshaan hanaan Online ah, si looga maarmo kulamadii caadiga ahaa, sidoo kalena shaqaalaha dawladu shaqooyinkoodi sii wadan karraan iyaga oo ku sugan guryahooda.

Wasiirku waxaa nidaamkan cusub ee ay soo kordhiyeen ku tilmaamay mid lagaga hortago faafitaanka xannuunka Covid-19, waxaanu xusay in maalmaha soo socda ay nimaadkani u gudbin doonaan dhammaan wasaaraddaha iyo hay’addaha dawlada Somaliland.

 

“Qaab ay shaqaalaha dawladu ay kaga soo shaqeyn-lahaayeen guryahooda, waxaad ka warqabtaan in guddida heer Qaran ee madaxweynuhu magacaabay inay maamulaan islamarkaana ay bulshada u diyaariyaan sidi waxna looga qaban-lahaa leysuna diyaarinlaha cudurkan imika soo baxay ee Covid-19, waana kuwii soo saaray go’aan ah in shaqaalaha wixii aan laga maarmaan u aheyni ay guryahaooda ku oo shaqeeyaan.

Marka wasaaradd ahaan anaga oo qaadaneyna doorka aanu ku leenahay hawsha aanu Qaranka u heyno waxaa aanu gacanta ku heynay technolojiga shaqaalaha dawladdu ay guryaha kaga soo shaqeyn karraan, marka koowaad u saamayaxa in si Online ah u wada xidhiidhaan, sidoo kalena ay kulamo geli karraan, tusaale ahaan madaxda sare iyo shaqaalaha dawladu, maada la yidhi yaan kulamo leysugu iman waxaa aanu diyaarineynaa qaab qaab ay shirarku u noqdaan Online, sidoo kalena ay isu waydaarsaddan xogta ay u baahan yihiin koleyna dunidu waxaa ugu badan ee ay u adeegsato marka la eego xannuunka Covid-19 fursadaha Teknoolojigu uu saamayo, marka wasaaraddu iyada oo taasi ka duuleysa waxaa aanu ku jirnay diryaarintiisi muddo saddex maalmood gudahoodana wasaaraddaha iyo hay’addaha madaxa bannaan ayaanu ugudbin doonaa”

Dhanka kale wasiirku waxaa uu shirkadaha isgaadhsiinta ee madaxa bannaan ugu baaqay in si la mida sida dawladda fasaxaan shaqaalahooda wixii laga maarmi karro si loo ilaaliyo badqabka shaqaalaha una sameeyaan nidaam ay guryahooda kaga shaqeyn karraan “Waxaan ugu baaqaya shirkaddaha gaarka loo leeyahay iyada la ilaalinayo badqabka bulshada iyo shaqaalaha u shaqeeya in sidaasi dawladuba ay u diyaarineyso in shaqaalahu guryahooda ka soo shaqeeyaan shirkaduhu sidaasi oo kale u fududeeeyaan si loo yareeyo isu imaatinka iyo dadka imanaya wixii shaqadu ay saameyso in shaqaaluhu guryahooda ka soo shaqeeyaan,  isgaadhsiintuna waxaa ay door weyn kaga jirta isku xidhka bulshadda, sidoo kalena wacyigelintooda qayb ayay ka tahay, waxaa ugu badan ee jirana waa in bulshadu xog saxa ay hellaan islamarkaana ay yaraadan, arragtidda wasaaradduna waxaa weeyi in teknoolojiga ay hogaamiso”

khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Sawirka Wasiirka wasaaradda isgaashsiinta iyo teknoolojiyadda mudane  Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi Jibriil,

Leave a Reply