War deg dega: Golaha Wakiillada Somaliland oo Diiday Xubinihii Xisbiyada Mucaaridka ee Koominshanka Doorashooyinka

0
408

Hargeysa (Dawan)- Mudanayaasha Golaha wakiilada Somaliland oo saaka iskugu yimid fadhi aan caadi ahayn ayaa cod ay qaadeen ku diiday inay ansixiyaan labada xubnood ee xibiyada mucaaridka u  matali lahaa kominshanka  doorashooyinka.

Xubinta xisbiga Waddani ayaa waxa u codeeyey  31 xildhibaan , halka xubinta xisbiga  UCID na ay u codeeyeen 29 xildhibaan .

waxana xusid mudan in Xubin kasta oo kominshan ay u baahantahay  inay ansixinteeda u codeeyaan ugu yaraan 41 xildhibaan , sidaas-na waxaan ku ansixin labadii xubnood ee xisbiyada mucaaridka u matali lahaa kominshanka doorashooyinka.

Diidmada xildhibaanada ee labadani xubnood ee matalaayay xisbiyada mucaaradka ah ayaa meesha ka saaraysa rajadii laga qabay doorasho dalka ka qabsoonta.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply