Daawo Sababta ay Golaha Wakiillada u Diiddeen labadii xubnood ee Mucaaradka

0
426

Hageysa (Dawan) Fadhi ay Maanta yeesheen Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland isla-markaana ay Goob-joog ka ahaayeen Xubnaha Xisbiyadu ay u soo Magacaabeen Komiishanka, ayaa Xildhibaannadu mid mid ugu gacan taageen, laakiin midna ma helin Tirada Codadkii uu ku ansixi lahaa.

Sidaas ayay labada Xubnood kaga hadheen komiishanka cusub ee doorashooyinka Qaranka Somaliland, maaddaama oo mid walba laga rabay inuu helo 41 Cod.
Hadaba Sababaha ay sheegeen golaha Wakiillada in ay u diiddeen labadii xubnood ee mucaaradka waxaa warbaahinta u akhriyey xughayaha guud ee golahaasi mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Xubinta UCID

1- Wuxuu ka mid yahay Komishankii hore, waxaanu xubin ka yahay Guddida farsamo ee Komishanka la shaqeyn doonta.

2- Wuxuu ka hor imanayaa heshiiskii Xisbiyada Mucaaradka iyo Madaxweynuhu kala saxeexdeen, madaama oo uu guddidaas ku jiro.

Xubinta WADDANI

1- Wuxuu ka baxay dhexdhexaadnimadii markii uu diiday inuu hor yimaado Guddi hoosaadka Arrimaha guddaha ee Wakiillada.

2-Wuxuu u hogaansamay amarkii Xisbiga Waddani ee ahaa in aanu Golaha hor tegin

3-Wuxuu jebiyey shuruudaha Xubinimo ee ka mid noqoshada Komishanka.

Sawirka xughayaha guud ee golaha wakiiladda Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaaale/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

Halkan ka Daawo

Leave a Reply