“Cudurka Coronavirus Waa Mid Wax Saxaya” Maalqabeenka Bill Gate

0
588

Newyork-(Dawan)-Bill Gate ayaa xannuunka dunida wareeriyey ee Coronovirus  ku sheegay mid wax saxaya. Fariin uu maalqabeenkan Maraykanka ahi  dunida la wadaagay oo uu ciwaan uga dhigay muxuu xannuunka Corono/ covid- 19 ina barayaa?  Waxaana uu kaga hadlay sida uu u arko xannuunkan.

Aragtida fariintan ee Bill Gates waxay aad uga duwan sida dad badan oo madax iyo Aqoonyahano ah u arkaan xannuunka ama uga hadleen. Waxa uu fariintiisa ku soo bandhigay oo uu tusaale u soo qaatay waxyaabo badan  xannuunkani dunida xasuusinayo. Waxa uu soo qaatay in xannuunka dunida xasuusinayo khaladaadka la galay ,

Billgates waxa uu yidhi “Dad ayaa xannuunkan u arka MASIIBO laakiin anigu waxaan u arkaa mid wax saxaya oo weliba si weyn wax u hagaajinaya”. Fariintan u muuqata mid uu si weyn uga baaraan degay waxa uu ku yidhi:

  • Xannuunkani waxa uu ina xusuusinayaa in dadka dunidu isku mid yahay, marka la eego sida xannuunku ula dhaqmay
  • Wuxuu ina xusuusinayaa sida bulshadu dunidu u noqday mid maadiga rumaysan, oo aan wax kayd ah dhigan marka xaalladuhu adkaadaana dareema waxyaabaha laga maarmaanka, sida cunto, biyo iyo daawo.
  • Wuxuu ina tusayaa awoodeena sida marka wax dhacaan qaarna u argagaxaan qaarna u samraan.
  • Waxa uu ina tusayaa xannuunkani in aanay dunidu xuduudo kala lahayn, isla markaana xannuunku kala aqoon bulshada awooda badan, bulshada horumarka farsamo gaadhay iyo kuwa daciifka.
  • wuxuu kale oo xannuunkani ina xusuusinayaa in deegaankeenu dhibane noqday taasna ay keentay waxa aynu samaynay sida dhirtii oo la xaalufiyey, xannuunka deegaanana laga dareemay guryeheena.
  • Wuxuu ina xasuusiyey xannuunku in la ilaaway isu kaalmayntii iyo is garabsiigii,balse laysku wiirsanayo.

Billgates waxa uu ku soo gebagebeeyey fariintiisa inuu xannuunka u arko mid saxaya  oo ina tusaya khaladaad ka dhacay nafeheena, waxaana sheegay in aynu xannuunkani ina barayo casharo badan oo khaladaadkii nolosheena ah. Waxa uu ku soo xidhay hadalkiisa “ Dad badani waxay xannuunka u arkaan masiibo, laakiin anigu sida aan doorbidayaa waxaan u inuu yahay mid wax badan hagaajinaya”.

Inkasta oo xannuunka tusay awooda Ilaahay, ma noqon doonaa mid bulshooyinka isu soo celiya oo wax ka bedela sida ay madax badani u fekeri jireen. Dawlada Maraykanka oo sheegta ta dunida ugu awooda badan intii aanu xannuunkani ku dhicin dadkeedana sheegi jirtay in ay hayso dawada xannuunka  ayaa haatan noqotay tan dadkeeda laga helay tiradii ugu badnayd. Maraykanku waxa uu haatan dalbaday in uu dal ku galka siin doono dadka xirfadaha caafimaad leh ee dalkiisa doonaya in ay soo galaan si ay ugala shaqeeyaan la tacaalida xannuunkan, iyada oo markii horena uu dalkiisa u diiday dalal badan.

 

Waxa Turjumay Xasan Xuseen 

Leave a Reply