Ha’yadda UNICEF oo Maamul Wanaag ku Amaantay Borama iyo Burco 

0
1002

Magaalada Borama ayaa ka mid noqotay meelaha ugu wanaagsan maamulka dhinaca biyaha,iyada oo shirkada maamusha biyaha magaaladaasna loo aqoonsaday shirkada ugu wanaagsan dhinaca maamulka biyaha ee gacanta lagu hayo. Warkan waxa laga soo xigtay warbixin ay soo saartay Hayada Qaramada midoobay ee UNICEF. Warbixinta waxa kale oo lagu sheegay in magaalada Burco ay noqotay magaalada ugu biyaha Jaban isla markaana ugumaamulka  wanaagsan dhinaca biyaha ku jir gacanta maamulka dawliga ah . warbixinta oo lagu soo beegay xuskii maalinta biyaha adduunka ee 22 bishan Marach 2020 waxa lagu sheegay in shirkada SHABA ay ka dhex muuqatay 23 deegaan oo ay hayada UNICEF la shaqayso oo ka mid ah dalkii Somalia la odhan jiray, sidoo kale waxay ka mid noqotay kuwa ugu horeeya  120 shirkadood oo adduunka ah oo ka mid ah kuwa gacanta ku haya maamulka biyaha.

Warbixinta UNICEF qaaday waxa lagu eegayey maamulka biyaha ee lagu maamulo waxa loo yaqaano PPP ama habka wadaaga ah iyo biyaha ku jira gacanta maamulka Dawliga ama Public-ga, sidoo kale waxa lagu eegayey  maamul wanaaga biyaha, sida dadka loo gaadhsiiyey , qiimaha biyaha, siday isu bixiyaan biyuhu iyo arrimo kale.

Sida warbixinta lagu sheegay labadan magaalo waxay tusaale u noqdeen nidaamka maamul wadaag ee PPP iyo nidaamka maamulka dawliga ah (Public). Shirkada Biyaha ee Borama oo la wareegtay maamulka biyaha Borama sanadkii 2003 waxay magaalada Borama gaadhsiisay in ay noqota magaalada ugu wanaagsan biyaha dadku maamulaan. Maareeyaha shirkada biyaha Borama ee SHABA Xaaji Aadan Maxamud oo ka hadlayey munaasibadii xuska maalinta biyaha ee 22-kii bishan March 2020, oo Borama lagu qabtay waxa uu soo dhoweeyey warbixinta wuxuuna sheegay in ay ku faraxsan yihiin in loo aqoonsaday shirkada ugu wanaagsan dhinaca maamulka biyaha dhammaan deeganada Somalida, isla markaana ay noqdaan magaalada hogaaminaysa maamul wanaaga deeganada dhulka Somalida. Xaaji Aadan waxa uu reer Borama u soo jeediyey in ay qiraan maamul wanaaga loo qiray. Sidoo kale dawlada ayey u soo jeediyey in ay iyaduna kaalinta ka soo baxaan, waxaana ay ka codsadeen in u qodaan laba ceel oo la doonayo in magaalada lagu badbaadiyo xagaaga  soo socda kuwaas oo lagu kordhinayo ceelasha biyaha ee haatan qodan.

Sidoo kale wakaallada biyaha ee Burco oo iyaduna nidaamka dawladu maamusho tusaale ugu noqday 23 deegaan oo UNICEF la shaqayso waxa aad loo ammaanay maamulka biyaha iyo horumarka ay ka samaysay biyo gelinta, sidoo kale dawlada somalilnad ayaa lagu ammaanay sida ay u taageereen biyaha Burco una maalgeliyeen gaar ahaan Bank dhexe oo lagu ammaanay . waxa kale oo warbixintu wasaarada horumarinta Somaliland ku ammaantay dhinaca maamul daadejinta.

Dhinaca kale Faysal Cali Hashi oo ah khabiirka Somali ah oo wax ka qaaday warbixinta UNICEF oo BBCdu waraysatay  March 22, 2020 waxa uu sheegay in sahanka warbixintu socday sanadkii dhammaaday waxaana uu sheegay  in diirada lagu saarayey labada maamul ee kala ah nidaamka dawliga ah iyo nidaamka wadaag ah, sidoo kale waxa la eegayey qiimaha biyaha  iyo horumarinta biyo ballaadhinta. Faysal waxa uu waraysigiisa u ku xaqiijiyey in Borama kaalinta kowaad ka gashay biyaha habka wadaag lagu maamul, Burco-na ay kaalinta kowaad u gashay biyaha maamulka dawliga ah, sidoo kale ay noqotay meesha ugu biyaha jaban. Waxa kale oo uu  waraysigiisa ku sheegay in magaalooyinka Gaalkacayo iyo Baydhabo ay noqdeen magaalooyinka ku soo xiga Borama, halka magaalada Ceerigaabo ay kaalinta kowaad ka gashay magaalooyinka ugu biyaha qaalisan.

 

Xasan Xuseen

Dawannews.com

Leave a Reply