Somaliland oo Beenisay War-saxafadeed kasoo Baxay Soomaaliya

0
900

Hargeysa-(Dawan)-Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay oo waxba kama jiraan ku tilmaantay war saxafadeed ay baahisay Dawladda Somaliya, gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka Somaliya, oo sheegtay inay Somaliland gaadhsiiyey qalab caafimaad,oo lagaga hor tagayo Coronavirus.

Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Arday reer Somaliland ah oo dalka Itoobiya ka yimid, dalkana dib ugu soo laabtay, iyo waxaa uga meel yaala Xukuumad ahaan Coronavirus haddii dalka lagu arko, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka jawaabay qalabka caafimaad ee dawladda Somaliya sheegtay inay Somaliland gaadhsiiyey, “Qalab caafimaad oo aanu Somaliya weydiisanay oo ay na soo gaadhsiiisay haba yaraate ma jiraan, Somaliyana nooma taliso, waxaynu rabnana iyada u sii mari mayno, ee qalabkan caafimaad ee inaga soo gaadhay waxay ka mid yihiin dawooyinkii aynu walba ka heli jirnay Qaramada Midoobay,qalabkana waa ka hor tag”.

 

Mar uu aanu wax ka weydiinay Ardayda Itoobiya ka soo laabatay ayaa yidhi “Haa wey jiraan Arday dalkeena u dhashay oo dalka Itoobiya ka yimid, Ardaydaas waan hubnaa caafimaadkooda, haddana wey caafimaad qabaan,Ardayda badan baa dalka dib ugu soo laabtay, Arday kalena wey soo socdaan, dabcan mar walbana caafimaadkooda waanu hubaynaa, anaga oo waliba hubna caafimaadkooda, haddana waxaanu siinay wacyigelin balaadhan, oo waxaanu ugu baaqnay inay Guriyahadooda isku karantimeeyaan”.

 

 

 

Leave a Reply