Ururka Haweenka Qaranka ee NOW oo iska fogeeyey musuqmaasuq lagu xidhiidhiyey

0
933

Masuuliyiinta Ururka Haweenka Qaranka ee NOW, ayaa been abuur iyo xad-gudub ku tilmaamay warar lagu baahiyey mareego internet-ka ah, waxaanay sheegeen in eeddeyntaasi ay baahiyeen dad danno gaar ah ka waayey mashruuc ururku maamulayey oo lagu quudanayo Lix boqol oo Qoys.

Sidoo kale, Ururku waxa bulshada Somaliland ku booriyey in ay doorkooda ka qaataan xakamaynta Cudurka Corona Virus.

Guddoomiyaha iyo Afhayeenka Ururkaasi oo warbaahinta kula hadlay xafiiska Ururka, ayaa sheegay in ay sharciga la tiigsan doonaan ashkhaasta ka been-abuurtay.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Ururka NOW ayaa waxa la aasaasay sanadihii sagaashamaadkii, waxaanay inta badan u ololleeyaan horumarinta haweenka iyo Caruurta.

Leave a Reply