Tirada kiisaska Coronavirus ee caalamka oo ku dhow Melyan

0
653

In ka badan 700,000 oo ah kiisas la xidhiidha cudurka Coronavirus ayaa laga xaqiijiyey caalamka, tan iyo markii uu billowday faafitaanka caalamiga ah ee fayruskan, sida ku cad tiro ururin ay sameysay wakaaladda wararka ee AFP.

Kiisaska ayaa hadda gaadhaya ugu yaraan 715,204, oo ay ku jiraan dhimashada 33,568 qof, ayada oo cudurkana uu gaadhay 183 dal oo ka mid ah caalamka.

Dalka laga xaqiijiyey kiisaska ugu badan ayaa ah dalka Mareykanka, oo cudurka uu ku haleelay in ka badan 143,00 oo qof, oo 2,514 ka mid ah ay geeriyoodeen.

Dalka kusoo xiga waa Talyaaniga oo laga xaqiijiyey 97,689 kiis. Talyaaniga ah ayaa dalka laga diiwaan-geliyey dhimashada ugu badan, oo gaareysa 10,779 qof.

Dalka Shiinha oo cudurkan uu kasoo shaac-baxay bishii December 2019, ayaa laga diiwaan geliyey 81,470 kiis iyo dhimashada 3,304 qof, inkasta oo dalalka qaar ay su’aalo ka keeneen tiradaas, ayaga oo sheegaya in Shiinaha ay daboolayaan xaqiiqda tirada rasmiga ah.

Tiradan 715,204 ayaa ah kaliya qeyb yar oo ka mid ah dadka cudurka uu haleeley, maadaama tijaabada lagu sameynayo oo kaliya dadka isku arkay calaamadaha cudurka, waxaana la rumeysan yahay inay jiraan dad badan oo ayaga oo aan la baadhin cudurka inta uu ku dhacay ka kacay.

Leave a Reply