Xukuumadda oo Cisbitaal u diyaarisay dadka laga helo Covid19

0
688

Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in Cisbitaalka qaaxada ee magaalada Hargeysa loo diyaariyey dadka uu asiibo cudurka corona virus, halkaasoo dadkii ku jiray la geynayo xarumo caafimaad oo loo geyn doono daawooyinka iyo wixii ay u baahan yigiin.

Sidaasina, waxa sheegay masuuliyiinta Wasaaradda horumarinta caafimaadka oo maanta soo kormeeray cisbitaalkaasi, lana shiray shaqalaha iyo dhakhaatiirta ka howlgala.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in qorshe qaran lagu go’aamiyey in cisbitaalka TB-du uu noqdo meesha la dhigayo haddii uu dad soo rido cudurka COVID19.

Gelinkii dambe ee Salaasada maanta ayey masuuliyiinta Wasaaraddu xaqiijiyeen labadii kiis ee ugu horeeyey ee dalka laga helo cudurka adduunka ku faafay ee Corona Virus.

“waxaan isla qaadanay in nidaamkii ahaa in bukaanka TB-da ee halkan loogu shaqaynayey loogu bedelo xannaaanooyinka iyo meelaha kale ee xarumaha caafimaadka ah la geeyo oo dadku meelahaas ka qaataan daawooyinka halkii ay cisbitaalka joogi lahaayeen, si haddii ay timaado in cudurka corona virus uu dilaaco aanu u asiibin”ayuu yidhi Dr. Xergeeye oo sidoo kale sharaxaad ka bixiyey xidhiidhka ay wadaagaan Cudurrada TB-yada iyo COVID19 oo uu sheegay in ay labadooduba wareemaan Sababka dadka.

Shaqaalaha ka shaqeeya Cisbitaalkan ayuu sidoo kale ku tilmaamay dad u tababaran la-tacaamulka cudurada ay dabeecada wadaagaan TB-da.

Wasiirka Wasaaradda Dr. Cumar oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay talaabadani tahay mid lagula tacaalayo aafada cudurka COVID19.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Wasaaradda horumarinta Caafimaadka ayaa tan iyo markii uu caabuqa COVID19 dunida sida deg deg ah ugu faafay, ku howlayd dedaallo ay ku xakamaynayso cudurkaasi.

 

Leave a Reply