Tahriibtu Waxa ay Saameysay Qoys Kasta oo Ku Nool Somaliland

0
966

Hargeysa (Dawan) Somaliland waxa ay ku taalaa goob udub-dhexaad u ah qalalaasaha la xidhiidha tahriibta ee Mandaqadda Geeska Afrika.

Dadka ka sii qulqulaya Somaliland ee isku dayaya in ay gaadhaan Yurub, iyo dadka ajaanibta ah ee ku soo qulqulaya Somaliland kana soo galaya xuduudaha wadamada jaarka sida Itoobiya siina dhex maraya si ay ugu gudbaan Yaman iyo wadamada Khaliijka, Somaliland waxa si weyn u saameeyey dhibaatada weyn ee waqtigan ka taaggan adduunka ee tahriibta

Xukuumaddu waxa ay la tacaalaysaa dhibaatadan. Hay’adda Horizon waxa ay samaysay daraasad November 2017 illaa December 2019 si loo ogaado habka ay xukuumadda Somaliland uga jawaab celinayso tahriibta. Daraasadda waxa lagu ogaaday in tallaabada loo qaaday dib-u-habaynta sharciga iyo dacwadaha lagu soo oogayo kuwa loo tuhansan yahay in ay dadka tahriibiyaan, in nidaamka caddaaladeed ee ciqaabtu uu halbawle u yahay.

La tacaalidda Tahriiba Somaliland: Fal-celinta Sharciga ee Tahriibta ayaa si faahfaahsan u xusaya natiijadii ka soo baxday daraasadda iyo tallo-soojeedinta dedaaladaas kor loogu sii qaadi karo.

Natiijada ugu muhiimsan ee daraasadda, oo ku sallaysan 167 waraysi oo laga qaaday tahriibayaasha, xubnaha qoysaskooda, xeer-ilaaliyaal, garsooreyaal, Saraakiisha Socdaalka iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan, faahfaahin tooduna hoos ayay ku xusan tahay:

Dacwad Ciqaabeedka lagu soo Oogay kuwa Dadka Tahriibiya

Illaa 2013, Somaliland waxa ay dacwad ku soo oogaysay kuwa dadka tahriibiya. Maxkamadda Gobolka Hargeysa, Gabiley, Boorama, Berbera, Ceerigaabo iyo kuwo kaleba way qaadeen dacwadahaas. Maxkamadda Gobolka ee Berbera ayaa kaligeed waxa ay qaaday todoba dacwadood, iyada oo ku soo oogtay 23 eedaysane intii u dhaxaysay May iyo June 2018.

Balse, sida caanka ka ah dalal badan oo adduunka oo isku dayey in ay niyad-jabiyaan kuwa wax tahriibiya iyaga oo u adeegsanaya nidaamka ciqaabta, kuwa la soo istaajiyo maxkamaddu maaha kuwa soo abaabula, balse waa dad darajooyin hoose leh sida darawalada iyo kuwa dadka dabinka u soo dhiga.

Waxa ugu badan ee lagu salleeyo xadhiga kuwa loo tuhunsan yahay in ay dadka tahriibiyaan waa marka saraakiisha ammaanku ku qabtaan xuduudaha ama goobaha dadka lagu baadho iyaga oo wada kooxo tahriibayaal ah.

Inta badan tahriibayaasha ayaa ku marag-fura kuwa loo tuhansan yahay in ay tahriibinayaan marka dacwadda lagu soo oogo.

Tahriibintu maaha mid loo aqoonsanyahay fal-danbiyeed sida ku dhigan sharciga, maqnaanshaha xeerkii sharciga ee loo cuskan lahaa waa caqabad weyn.

Xeerilaaliyeyaashu waxa ay isticmaalaan qodobada xeerka ciqaabta ee fal-danbiyeedka u aqoonsan addoonsiga, haysashada qofka, iyo isku-day khatar-gelinta badbaadada dadweynaha si dacwad loogu soo oogo kuwa dadka tahriibiya. Sidoo kale waxa la isticmaalaa qodobada ciqaabta ee ku xusan Xeerka Socdaalka Somaliland.

Maadaama ayna midaysnayn dacwadaha lagu soo oogayaa, xukunada sharciga ee loo lagu rido kuwa dadka tahriibiya ee danbiga lagu helo aad ayay u kala duwan tahay iyada oo u dhaxaysa hal sanno illaa labaatan sanno.

Balse garsooreyaashu inta badan waxa ay ku xukumaan hal sanno oo xabsi ah kuwa dadka tahriibiya. Maadaama xukunka hal sanno iyo inta ka yar loo baddeli karo ganaax, kuwa dadka tahriibiya la xukumo gebi ahaanba way ka badbaadi karaan xabsiga.

Dedaalada Dib-u-habaynta Sharciga

Waxa jiray dedaalo Somaliland la doonayey in la sameeyo xeerar tahriibinta u aqoonsanaya fal-danbiyeed.

Wasaaradda Caddaaladdu waxa ay diyaarisay nuqul, sidoo kale waxa wadajir u diyaariyey Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud iyo Garyaqaanka Guud.

Waqtiga la baahinayo warbixintan, waxa lagu soo waramayaa in labadaa nuqul la mideeyey, laga hor jeediyey Golaha Wasiirada isla markaana loo gudbiyey Baarlamaanka

Dacwado kooban oo lagu soo Oogo Tahriibayaasha Ajaanibta ah

Sida ku xusan Qodobka 37aad ee Xeerka Socdaalka Somaliland waxa uu si toos ah ciqaab ugu soo oogayaa tahriibayaasha ajaanibta ah, qofka waxa lagu soo oogayaa fal-danbiyeed haddii “uu soo galo ama lagu helay sifo sharci darro ah” Somaliland dhexdeeda waxana lagu xukumayaa hal-sanno oo xabsi ah.

Sida xaqiiqada ah, saraakiisha Socdaalku waxa ay u arkaan ajaanibta tahriibayaasha in ay yihiin “dhibaneyaal” wayna kooban tahay inta ay u adeegsadaan hannaanka ciqaabta.

Balse haddii sarkaal boolis ah uu xidho tahriibe ajaanib ah waxa ay mariyaan hannaanka ciqaabta, Hay’adda Horizon waxa ay arkeen tahriibayaal dacwad ciqaabeed lagu soo oogay.

Ma jiro Goob Lagu hayo Tahriibayaasha oo aan Xabsi ahayn

Waaxda Socdaalku ma laha xarrun lagu hayo ama loo gudbiyo tahriibayaasha. Sidaa awgeed, waxa ay isku dayaan in ay sida ugu dhakhsaha badan u sii daayaan tahriibayaasha kuna xidhaan goobaha kale ee lagu caawin karo sida xarrunta MRC ee Hargeysa taas oo gargaar u fidisa tahriibayaasha ajaanibta ah, oo ay kamid tahay adeegyada ay siiyaan guryo ku meelgaadh ah.

Dadka reer Somaliland ee la qabto iyada oo isku dayaya in ay tahriibaan waxa lagu hayaa saldhigyada booliska maadaama ayna jirin goob kale oo baddelkeeda la isticmaalo.

Boolisku way qabtaan dadka looga shakisan yahay in ay tahriibayaan wayna hayaan illaa qoyskoodu ka imanayaan saldhigga.

Iyada oo ay maqan tahay shabakad isku xidhan oo ah hawl-wadeenada arrimaha bulshada ama xarumo kale oo aan ahayn xabsi oo dadka lagu hayo, tani waa fursadda kaliya ee lagu joojin karo dadka isku dayaya in ay tahriibaan.

Saameynta ay leedahay waa in dadka la mariyo hannaanka caddaalad ciqaabeedka habdhaqan aan ahayn fal-danbiyeed oo uu sameeyey.

Ma jiro Hab Saraakiisha Ammaanku Ku raadin karaan Tahriibayaasha La Raadinayo

Inta badan tahriibayaasha reer Somaliland waxa ay baxaan iyaga oo aan wax ogeysiis ah siinin qoysaskooda.

Balse booliska iyo saraakiisha Socdaalku ma haystaan hannaan rasmi ah oo ay ku baadi-goobi karaan dadka maqan ee looga shakisan yahay in ay tahriibeen.

Saraakiisha Ammaanku waxa ay xuseen in maqnaanshaha teknoolajiyaddii iyo xidhiidh wax-ku-ool ah oo lala yeelan lahaa dalalka jaarka, sida Jabuuti iyo Itoobiya in ay kamid tahay sababta ayna u caawin karayn qoysasku in ay ogaadaan goobta uu ku sugan yahay qofkii tahriibay.

Kor u qaadista Fal-celinta Sharcigu waxa ay Fursad u tahay Wadashaqaynta heer Gobol iyo Maalgalinta Deeq-bixiyaasha

Somaliland waxa ay qaaday tallaabooyin ay kula tacaalayso tahriibta, arrintani waxa ay u soo bandhigaysaa waddamada Mandaqadda Geeska, iyo Bulshada Caalamka oo dhan fursad ay iskaga kaashan karaan waddama ay ka soo billaabanto tahriibtu iyo kuwa ay sii dhex-maraanba si loo xoojiyo dedaalada hirgalay sida ballaadhinta xafiisyada MRC ee gobolada iyo goobaha ay ka tallaabaan dadku ee caanka ah. Xafiisyadan MRC waxa loo isticmaali karaa in ay baddel u noqdaan saldhigyada booliska ee lagu xidho dadka looga shaki san yahay in ay tahriibayaan.

Xigasho (Nuxurka Warbixinta oo Kooban Horizon Instute)

 

Somaliland

6th Floor, Omar Hashi Building

Hargeisa, Somaliland

Tel: 523603

Mobile: 063-3751063

Sagal Jet Building

Burao, Somaliland

Tel: 711208

Mobile: 063-6909883

Kenya

No.3 Peponi Green

Peponi Close off Peponi Road, Westlands

Mobile: 254-793676520

P.O. Box 691 – 00621

Nairobi, Kenya

info@thehorizoninstitute.org

www.thehorizoninstitute.org

Leave a Reply