Madaxweyne Amar ku Bixiyay In la Toogto Qofkii Diida Inuu Gurigiisa Joogo

0
438

Qaar ka mid ah shacabka ku nool magaalada Quezon ayaa sameeyay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan Bandowga la saaray iyagoo ka cabanaya inaysan helin cuntooyinkii iyo waxyaalihii kale ee dowladu u ballanqaaday, qaar ka mid ah dadkaasi ayaa booliisku xirxireen

”Xusuusnow, adigu ma tihid dowladda, ha warwareegin wadooyinka, dhibaatadan ha abuurin, maxaa yeelay waxaan amar ku bixiyay in xabsiga la dhigo ama la toogto qofkii u hoggaansami waaya amarada dowaldda” Sidaas waxaa yidhii madaxweynah Philipine

11 Qof ayaa dalkaasi ugu dhintay Coronavirus 24 saac ee la soo dhaafay, Taasi oo tirada dadka ugu dhintay cudurka dalkaasi ka dhigaysa 107 qof.

Ilaa 57 Milyan oo qof oo ku nool Jasiirada Luzon oo ay ku jirto caasimadda Manil ayaa lagu soo rogay Bandow soconaysaa muddo labo toddobaad ah

Hay’adaha xuquuqul insaanka iyo dowladaha caalamka qaarkood ayaa si weyn u cambaareeyay hadalka madaxweynaha Philipine oo lagu bartay inuu ku hadlo ama sameeyo ficilo adduunka ka yaabiya.

Leave a Reply