Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Boorama Kula Kulmay Dhakhaatiir iyo Culimo

0
430

Borama  (Dawan) Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna gudoomiyaha guddida heer qaran ee ka hortagga iyo u diyaarawga xannuunka Corona Virus ayaa kulan magaalada Boorama kula qaatay dhakhaatiirta iyo culimada magaaladaaas.

Sida uu ku soo waramay wariyaha wakaaladda warar Somaliland ee SOLNA uga soo warama magaalada Boorama Abokor Xasan Caafi, kulankaas oo ku saabsanaa wacy’gelinta xanuunka Corona Virus waxa hadal ka jeediyay Dr. Siciid Axmed Walhad, waxaanuu sheegay in xannuunani leeyahay kor hor tag, loona baahan yahay in bulshadu si guud u fuliyaan talaabooyinka ku saabsan ka hor tagga xannuunkaas, waxaanuu soo jeediyay in la garab istaago dadaalada ku saabsan ka hortagga xannuunkaas ee ay wadaan guddida heer qaran.

Qaar ka mida cilimadii gobolkaas ka qayb-gashay ayaa sheegay ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo baahan yahay in bulshadu sii xoojiyaan ducada iyo Alle ka cabsiga.

Ugu dambayn madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ahna gudoomiyaha guddida heer qaran ee ka hor tagga iyo u diyaargarawga xannuunka Corona Virus ee Somaliland ayaa sheegayn kulankani ka mid yahay dadaalada ay wadaan guddidaas heer qaran, u jeedaduna tahay sidii bulshada loo baraaujin lahaa halista xannuunkaas iyo sidii ay iskaga ilaalin lahaayeen dhinaatadiisa, waxaanuu bulshada reer Somaliland u soo jeediyay ianay ku dadaalaan fulinta talooyinka ay soo saaraan guddidaas heer qaran ee ka hor tagga iyo u diyaargawga xannuunka Corona Virus.

Halkan ka Daawo

Leave a Reply