Waa Sidee Xaalada Soomaalida Norway iyo cudurka Corona Virus?

0
636

Cudurka Saf-marka ah ee sida xawliga ah weerarka ugu haya Aadamaha Dunida ee sida dhibta yar ugu fiday caalamka oo idil ee loo yaqaanno Coronavirus Covid19, ayaa marba marka ka dambaysa tarada Dadka uu soo u dhimanaya iyo inta uu soo ridanayaaba sii kordhayaan, kuwaas oo ay Dadka Soomaaliyeed ee Qurbaha ku noolina ka mid yihiin Bulshada uu saameeyey.

Dadka Soomaaliyeed ee Qurbaha ugu dhintay Xanuunka waxaa ka mid ah Raiisal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur-cadde) oo sidoo kale noqday Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga. Marxuumka, ayaa Arbacada 1-da April ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaalada London ee Dalka Britian oo uu labadii toddobaad ee u dambeeyey u jiifay xanuunkaas.

Dalalka kale ee Maraykanka, Sweden, Turkiga, Norway iyo Waddammo kale oo ka tirsan Qaaradaha Dunida, ayey Sidoo kale Dad Soomaali ahi ugu dhinteen Xanuunkaas.

Haddaba, Xildhibaan Ismaaciil Ibraahin Maxamed (Maano) oo ah Xildhibaan Soomaali ah oo ka tirsan golaha deegaanka magaalada Lilleheammer ee gobolka Innlandet ee dalka Norway, ayaa ka waramay sida uu Soomalida dalkaasi ku dhaqan u saameeyey cudurkaasi.
Waraysiga kooban ee Xildhibaan Ismaaciil Maano siiyey Baddacas24TV, waxa uu ku sheegay in tirada Soomaalida dalkaas ugu dhimatay caabuqa Corona-virus illaa hadda yihiin laba Qof, halka ay Boqol iyo dheeraad kalena cusbitaallada u jiifaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Tobon Qof oo uu xusay Mudanuhu inay xaaladdoodu culus tahay.

Waxa uu tilmaamay Xildhibaan Ismaaciil inaanay Soomaalidu ku fiicnayn amar-qaadashada, isla markaana aanay amarrada iyo farriimaha caafimaad ee dowladda Norway sida Bulshooyinka kale ee dalkaas u dhaqangelin Soomaalidu, taasina ay sabab u tahay in Soomaalida badan xanuunkaasi ku dhacay, isla markaana uu ku qiyaasi karo Soomaalida dalkaas 30% -kiiba ay sadhada dunida ku faaftay ee Covid19 is-gaadhsiiyeen amma is-qaadsiiyeen, markii ay dhayalsadeen hirgelinta awaamiirta dowladda ee ay sidii caadiga ahayd ee hore isaga dhaqmeen.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Leave a Reply