Xukuumadda Somaliland oo ka Jawabtay Hadalkii Soomaaliya ka soo Yeedhay ee Covid-19 Dadkii laga Helay

0
653

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay hadalkii dawlada Soomaaliya ku beenisay in Somaliland laga helay laba qof oo qaba xannuunka Covid-19.

Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani, ayaa hadalkii ka soo yeedhay wasiir ku xigeenka, wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ku tilmaantay dagaal siyaasadeysan oo Soomaaliya ka gashay arrintaasi, halkii ay kaga habooneyd in ay ka garowdo islamarka ay ku dhawaaqdo gurmad deg degga oo loo fidiyo Somaliland maada ay tahay waddan yar oo aan aqoonsi buuxa ka heysan beesha caalamka.

Wasiir Hinda waxaa ay madaxda sar sare ee dawlada Soomaaliya ugu baaqday inay wax u qabtaan bulshada ay masuulka u yihiin una dhaarteen, kana hortagaan in bulsha badani ay Soomaaliya gudaheeda ugu geeriyoodaan xannuunka Covid-19 “Bal ninka ee Covid-19 ku diiday ee ku yidhi ma qabtid, kuna aqoonsan maayo muxu ku qaban karraya ee adiga waxtar ku leh? dhibaatadii halkii uu kaaga duceyn lahaa ama uu ku garaabilahaa ee uu odhanlahaa waa waddan yar ee halo gurmado ictiraaf ma leh, hadii Soomaalinimadu ka dhab tahay oo wax ka jira oo runa tahay, mu yidhaaheen intu wasiir dhammi soo fadhiisto manaan aqoonsan Somaliland inay qabto Covid-19, ee waxaa aanu leenahay ILLAAHEY kuwana haka dul qaado, oo haw fududeeyo inta kalena bulshada reer Somaliland haka nabad-geliyo.

Balse waxaan idin leeyahay Soomaaliyey nin dunduma xardhadayow marka ay daruurtani dado yaanay kugu qoyin balyey adiga kugu dumin, waxba anaga ha noo garaabina, waxna waxna hanoo qabanine kuwa aad idinku masuulka u tihiin ee aad u dhaarateen, kuwaasi uun yaanay cagahiina hoostooda dhammaanin inta aad kursi ku ilaashaneysaaan”

khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Sawirka wasiirka shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada Somaliland marwo Hinda Jaamac Xirsi Gaani

Leave a Reply