Dad ku xanniban Lowyacaddo oo Dowladda Jabuuti ka Dalbaday in ay Soodinteeda  u Furto

0
619

Lowya-cado (Dawan) Magaalada Lowya-cadde oo ah Soodinta  Somaliland iyo Jabuuti waxaa ku xanniban tiro dad ah kuwaas oo uu saameeyay amarkii Dowladda Jabuuti ay ku xidhay xuduudaheeda,  sidoo kalena  anaay  u gudbi karin dhanka Somaliland oo iyanna xuduudda Xidhatay.

Dadkaan oo la hadlay BBC-da waxa ay sheegeen in maalmihii ina dhaafay ay ku xayiran  yihiin xadka, sidaas awgeed Dowladda Jabuuti ay ka dalbanayaan in ay u ogolaato in gudaha dalkaas ay galaan.

Waxa ay dalbadeen in Dowladda Jabuuti ay xal u raadineyso, maadaama aanay ku sugneen deegaankoodi.

Sucaad Daahir Jaamac oo kamid ah dadka xanniban waxa ay sheegtay in aanay  sahlaneyn ku noolasha magaalada Low-yacadde, maadaama bulshada halkaasi joogta  ay ku sugan yihiin xaalad feejignaan ah.

Sucaad Daahir Jaamac  iyadda oo arrimahaasi ka hadlaysa waxaa ay tidhi “Waxaan iminka ku suganahay muddo shan habeen ah xadka Lowyacaddo, warna ma heyno madaxda reer Jabuuti waxaan leenahay nin waliba dadkiisii wuu qaabilay in aad na qaabishaan oo aad noo timaadaan,  oo aad na aragtaan oo waxna weyddiisaa maxaad u diidan tihiin, oo inoo dhageysaneysaan”

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhawaan adkeeyay go’aanka xayiraadda iyo tan lagu joojinayo dhaq-dhaqaaqyada gudaha dalkaasi, si looga hortago faafidda Cudurka Corona oo kiisas kamid ah laga helay.

khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Dad ku xanniban Lowyacaddo oo Dowladda Jabuuti ka Dalbaday in ay Soodinteeda u Furto

Leave a Reply