Konton Kun oo Qof oo Dunida ugu Dhintay COVID-19  

0
522

Dadka u geeriyooday cudurka Coronavirus guud ahaa caalamka ayaa gaadhay 50,000 kun oo qof, iyadoo tirada guud ee dadka uu ku dhacay cudurkuna ay gaadhay Hal Milyan oo qof.

Dalka maraykanka ayaa tirada dadka u dhintay cudurku waxay gaadhay Lix Kun qof,halka tirada dadka uu ku dhacay cudurkuna ay gaadheen 250 Kun oo qof.
Waddanka Talyaaniga tirada dadka u dhintay cudurka coronavirus waxay kor u dhaaftay 13 Kun qof, Halka dalka Spain uu cudurku dilay dad ka badan 10 kun qof.
Guud ahaan 190 Waddan oo caalamka ayuu cudurka ku faafay sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO.

Leave a Reply