“Waxa Jira Madax Dhaqameed Shaadh Siyaasi Xidha oo Khadka Cas Galla” Wasiir Liibaan Yuusuf

0
780

Hargeysa – Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha debadda Somaliland, Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in ay sharciga la tiigsanayaan qaar ka mida madaxda dhaqanka oo dhawaan ku baaqay in si degdega loo bilaabo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya xilli ay xiisad ka dhex taagan tahay labada dowladood .

Wasiir Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in ay jiraan qaar ka mida madaxda dhaqanka oo ka gudbay xayn-daabka dhaqanka, islamarkaana xidhan shaadh siyaasadeed, waxana uu yidhi “ waxa jira dad ka mid ah madaxda dhaqanka oo  faro ku tiris ah, kuwaasi oo inta badan ka gudba xayn-daabka dhaqanka ama shaadh siyaasi xidha oo mararka qaar Khadka cas gala, waxaanu u sheegaynaa in qadiyada Somaliland aanay ahayn wax suldaan ama siyaasi dilaali karo“

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha debadda Somaliland, Liibaan Yuusuf Cismaan oo waramay Wariye Xasan Gallaydh oo ka tirsan HCTV ayaa cadeeyey in ay talaabo sharciya ka qaadayaan qofkasta oo ka gudba xuduudkiisa waxaanu yidhi “Qofkasta oo ka mida madaxda dhaqanka oo ka gudba xuduudkiisa waxa laga qaadayaa tallaaboyinka uu sharcigu qabo, sharcigana waa lagusoo dabaalayaa” ayuu yidhi .

Ugu danbayn Wasiir Liibaan Yuusuf Cismaan waxa uu sheegy in go’aanka qadiyada Somaliland uu u yaallo hoggaanka dalka ee shacabku doorteen, waxana uu yidhi “Qadiyada Somaliland Suldaana kama talin karo, siyaasiyana kama talin karo ee waxa go’aankeeda leh cidda ay shacabku doorteen ee hoggaanka u dhiibeen, cidkasta oo Somaliland ah oo talo wanaagsan keentana waa la weelaynayaa oo la qaadanayaa.”

Hadalka wasiirkii ayaa kusoo beegmaya ka dib markii qaar ka mida madaxda dhaqanku ay dhawaan sheegeen in ay xaq u leeyihiin in laga qayb geliyo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya islamarkaana ay xukuumaddu si degdega u bilowdo hadalada.

 

Saciid Cagjar

Saciidm66@gmail.com

 

Leave a Reply