Isbedelka Joogtada Ah Ee Dunidu!

0
584

Markii uu saaxiibkay ila soo xidhiidhay wuxu iisheegay in maanta ay tahay maalintii ugu danbaysay ee ay shirkadiisu shaqayso, isla markaana alaababda u xidhay, ka dib markii ay is bixin weyday. Waxaana saaxiibkay ka mid ahaa kuwa ugu qanisan iyo shirkadaha ugu caansan dalka.

Wax yar ka dibna waxa igu dhacay la yaab ka dib markii saaxiib kale oo aan lahaa la  xidhiidhay si aan arintan ugu sheego, lakiin markii aan arinkaasi uga waramay isaguna wuxu  ila socod siiyay in shirkadii yarayd ee uu furay ay meel sare gaadhay oo ay maanta  tahay maalintii ugu horaysay ee ay iibsato guri ay iyadu leedahay oo ay hawlaheeda ku fuliso.

Markaasi ayaan ogaaday in dunidu ay cajiib tahay oo ay sidaasi isu bedelayso!

Leave a Reply