Xukuumadda Somaliland Soo Bandhigtay Natiijada Dad Laga Baadhay COVID-19

0
1103

Hargaysa :- Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa ka xog waramay xaaladahii ugu dambeeyay ee xanuunka Coronavirus.

Maxamed Cabdi Xergeeye waxa uu sheegay in ilaa hadda kiisaska la xaqiijiyay xanuunka corona ee Somaliland ay yihiin laba qof kuwaas oo xaaladoodu hadda fiican tahay oo caafimaad qabaan.

Agaasimuhu waxa uu sheegay inay baadheen isla markaana dhiigag laga qaaday dad looga shakiyay xanuunka ama la kulmay dadkii lagu xaqiijiyay kuwaas oo dhamaan natiijada kasoo baxday ay fiican tahay oo aan waxba laga helin.

Sidoo kale waxa jira xarumo guud ahaan laga sameeyay gobolada dalka kuwaas oo loogu tala galay in lagula tacaalo hadii la arko dad uu asiibay xanuunka corona.

 

Dawannews@gmail.com

Dawannnews.com

Hargeysa/Somaliland.

Leave a Reply