Mareykanka oo difaacay Weriye Harun Macruf.

0
595

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa si toos ah markii ugu horaysay uga hadashay hanjabaadii ay Hay’ada NISA u jeedisay weriye Harun Macruf, Safaarada ayaana si toos ah u difaacday Wariye Harun Macruf oo ka tirsan laanta afka Soomaaliga ee VOA.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitter-ka ee Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay NISA inay weerar ku tahay madax banaanida iyo xoriyadda Saxaafadda, iyadoo ammaan u jeediyay kaalinta Wariye Harun Macruuf.

 

“Harun Macruf waa Wariye Ixtiraam mudan, oo xirfad sare leh, waa mid ka mid ah Wariyeyaasha ugu saameynta badan, weerarka NISA wuxuu hanjabaad ku yahay Saxaafadda xorta iyo Madax bannaanida oo aas aas u Dimoqraadiyadda iyo la xisaabtanka dowladnimada Somalia” ayaa lagu yidhi Warka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka.

Leave a Reply