“Waxaanu helnay dad xumad leh oo ka mid ah dadkii ay la kulmeen….” Wasiir Kaahin

0
1195

Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday in baadhitaanno iyo dabagallo ay samaysay ku ogaatay Dad Xumad leh oo ka mid ah Dad ay la sii kulmeen Dad Somaliland Safar ku sii maray oo u gudbay dhinaca dalka Jabuuti, ka dibna xadka lagaga helay Xanuunka Corona-virus Covid-19.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa qiray inay la socdaan in tirada Dadka xanuunka laga helayo dalalka Jaarka uu sii badanayo marba marka ka dambaysa.

Wasiir Kaahin oo hadal ka jeediyey Kulan Guddiga ka hor-tagga Covid-19 ee Somaliland Masuuliyiinta Shirkadaha Qaadka keena maanta, ayaa sheegay in Dad Somaliland ka gudbay oo markay Xadka Jabuuti galeen laga helay Cudurka ay daba-galeen magaalooyinka Wajaale, Boorama, Ceel-gaal, Saylac, Gabilay iyo meelo kale oo ay intaba dad kula sii kulmeen, isla markaana la helay Dad xumad leh oo ka mid ah dadkii ay la kulmeen.

 

Halkan Ka Daawo Muqaalka 

Leave a Reply