DR. Gaboose oo ku Taliyey In Daacadd laga Noqdo ka Hortaga Xannuunka Covid-19

0
853

Hargeysa (Dawan) Dr. Maxamed Cabdi Gaboose kana mida dhakhaatiirta waa weyn ee reer Somaliland, iyo Soomaalidaba, ayaa walaac xoogan ka muujiyey khatarta uu leeyahay xannuunka Covid-19, iyo waliba sida ay u moogan yihiin bulshaddu.

Dr Gaboose waxaa uu sheegay in xannuunka Corona-vures uu yahay mid khatara, islamarkaana xalkiisa ay u maara waayeen dowladaha qudaha lihi, taasi badelkeedana ay bulshada tahay mid isku rarana oo uu saameyn xoogan ku yeelan karro xannuunkani hadii uu sii faafo, waxaanu xusay in aan ilaa hada la garaneyn wakhtiga rasmiga ee uu soo af-gu’i doono xannuunkani ama daawadiisa si fudud loo heli doono.

Dr. waxaa uu madaxweynaha Somaliland u soo jeediyey in daacad laga noqdo xannuunka Covid-19 “Dowlad adduunkan maanta ku nool oo u heysa itaal ay ku joojin karto iyo itaal xata ay bukaanadeeda sariiro ugu hesho ama ay qaboojiye ugu hesho , bal qiyaasa culeyska meesha yaala, iyo dabkii oo soo socda oo la xaqiijiyey inuu soo socdo oo imaanayo, saacadan ayay dad ka imanayaan Yurub, Mareykan, oo ay imanayaan Somaliland ama meel kale imanayaan, dadkaasi dadkaasi tiradaasi la inoo sheegay ee baxadaasi leh ee orodka leh ayuu galayaa.

Waxaan idiin xaqiijinaya talaal dhaw lama hayo sanad iyo wax ka badan ayaa la filayaa in talaal lagu helo, xata wakhtiga uu dhammaanayo cid taaqana ma jirto, hadaba madaxda Soomaaliyee dhammaanteed, gaar ahaan madaxweynahayga Muuse Biixi Cabdi, waxaan u sheegay dib u xasuuso Nabi Yuusuf isaga oo ka soo baxay xabsi, oo aan Nabinimo loo aqoonsan oo aan rasuulnimo loo aqoonsan ayaa nimaan diin muslima heysan ka faa’ideystay riyo ii fasir, 7 sano oo dagaal isu diyaarin masiibo soo socota ayuu galay, inaguna indhaheena ayeynu ku arkeyna maydadkii oo meel lagu aaso la waayay”

khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Sawirka Dr. Maxamed Cabdi Gaboose/Sawir hore

Leave a Reply