Soomaaliyi Ma Kala Maaranto: Maxaa Kaaga Baxay Muwaadin

0
776

W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Laga soo bilaabo dhammaadkii rajiimkii digtaatoorkii Maxamed Siyaad Barre, Soomaaliya waxa loo dhisay tiraba ilaa lix dawladood oo ka taliya  Xamar oo kaliya ama qaybo ka mid ah.

Dhaqaale ahaan waxay ku tiirsan yihiin deeqaha Beesha Caalamka, ammaanka madaxda iyo xafiisyada dawladda waxa ilaaliya ciidamo ajanabi ah, sidaas oo ay tahay haddana waxa loo aqoonsan yahay dal madaxbannaan.

Dawladihii Soomaaliya ee kala dambeeyay wax kasta oo ay ku kala duwanaayeen waxay ka sinaayeen xasadka, cadaawadda iyo la dagaallanka Jamhuuriyadda Somaliland, hase ahaatee dawladahaa hore ma ay lahayn awood badan oo ay Somaliland ku waxyeelayn karaan balse xukumadda Farmaajo waxay Beesha Caalamka ka heshay dhaqaale aad u badan oo loogu talo galay in lagula dagaalamo ururada Argagixisada wuxuuse ku isticmaalay burburinta maamul gobolleedyada ka biyo diiday hab dhaqanka iyo digtaatooriyadda madaxda dawladda Federaalka ee distoorka baalmarsan iyo faro gelinta Somaliland si xasillooni darro looga abuuro; tusaale ahaan si uu u adeegsado wuxuu soo dhaweeyay siyaasiyiin dhuuni raac ah oo ka soo jeeda Somaliland, waxa laga soo shaqeeyay in la iska hor keeno beelaha Somaliland qaar ka mid ah si loo wiiqo wadajirka umadda, waxa Villa Somalia laga soo abaabulay jabhado hubaysan si loo carqaladeeyo nabadgalyada iyo horumarka JSL laakiin, isku dayadaas oo dhan waa lagu guuldarraystay.

Haddaba beryahan waxa soo baxaya xogo hoose oo sheegaya in Farmaajo iyo dawlado dhaqaale ku bixiya dagaalka ka dhanka ah Somaliland ay bedeleen xeeladihii hore ee shaqayn waayay sidaas daraadeed in muddo ah waxa socday qorsheyaal ah in Somaliland gudaha loo galo oo si toos ah loola xidhiidho qaybaha bulshadu ka kooban tahay iyo in loo qoondeeyo dhaqaale buuran oo intii hore ka badan.

Mashruucan ugu horayn ba waxa gacanta lagu dhigay koox dhalinyaro ah oo warbaahinta ka hawlgali jiray oo loo kiraystay faafinta dacaayadaha ka dhanka ah JSL iyo in hoos loo dhigo guulihii la gaadhay; aflagaadada iyo cayda madaxda Somaliland waxay baro dhaafiyeen saxaafadda Soomaaliya ee taageerta maamulka Farmaajo. Waxa jira xidhiidho iyo rag u kala dabqaadaya ganacsatada dalka iyo madaxda dawladda Federaalka Soomaaliya, waxa lagu dhex jiraa culimo diinta waxase dalabkii Farmaajo iyo Khayre aqbal kaga jawaabay qaar ka mid ah salaadiinta Somaliland oo maanta ka hor loo hanweynaa.

Iyaga oo aan goob wada joogin mid kastaaba dhiniciisa wuxuu ku tiraabay weedho isku mid ah oo si dadban u taageeraya midnimadii Soomaaliya iyo in laga noqdo gooni-isu taaggii Somaliland.

Muwaadin Soomaaliyi ma kala maaranto adiga maxaa kaaga baxay?

Waxa kale oo jiri kara in ay jiraan cid ka shaqaynaysa isku xidhka Salaadiinta. Dhawaaqa salaadiinta waxa ka horeeyay gorgortan iyo in gacmo la is dhaafsaday. Dhanka kale waxa in la xuso iyo ammaan mudan madaxdhaqameedyo dhiggooda ah oo aqbali kari waayay farriimihii iyo ballanqaadyadii Xamar uga yimid oo damiirkoodu siin waayay in ay Qarankooda baayacaan.

Haddaba su’aalaha sida aadka ah la isku waydiinayo waxa ka mid ah: Sidee loo ogaan waayay hawlgallada khatarta ah ee laga wado dalka gudihiisa? Sidee loo arki waayay dhaqdhaqaaqyada iyo dusduska wakiillada Farmaajo ee ku sugan magaalooyinka dalka? Maxaa ka si noqday hay’adihii amniga ee foojignaan jiray? Si kastaba ha ahaatee xukumadda waxa looga baahan yahay in ay ku baraarugto arrimahan inagu soo kordhay iyo in tallaabo laga qaado salaadiintan ka xishoon wayday bulshadii karaamaysay ee ku baaqay in xorriyaddii lagu soo tabcay mar kale hadiyad loo bixiyo.

 

W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami33@gmail.com

Leave a Reply