Lacagtiisa In Laga Faa’iidaysto Ma uu Ogolayn!

0
467

Mararka qaarkood dadka bakhaylnimadu waxay gaadhsiisaa heer aad u xun oo aan caqligu rumaysan Karin. Dadka qaarkood ayaa codsada in xoolahooda lala aaso, laakiin inta badan lama fuliyo arimahaasi iyadoo laga cabsi qabo in tuugtu dib ula soo baxado ama hantidaasi ay ku baaba’do cidladaasi. Dalka Japan oday 90 sano jiray ayaa ku celiceliyay islaantiisa isagoo ku  jira wakhtigii geerida in Barkimadiisa qadiimiga ah lala aaso, isagoo diiday in loo soo iibiyo barkimo cusub.

Markii uu dhintay ayaa gabadhiisu ku dadaashay inay fuliso dardaarankiisa . Sida warbaahintu sheegtay  odaygan ayaa maalmo ka hor kala soo baxay lacagtii u taallay accountka baanka oo dhamayd 300 kun Euro ah, isagoo xoolahaasi ku qariyay barkimada qadiimiga ah.

Barkimadaasi ayaa xabaasha lala dhigay markii uu dhintay. Islaantiisa ayaa geeridiisa ka dib tagtay banka si ay ula soo baxdo lacagtii ku jirtay acountka , nasiib daro wuxu noqday mid madhan account iyagoo u sheegay in Odaygu lacagtaasi la baxay. Islaanta ayaa xusuustay  barkimadii uu ku dardaaramay,  booliiska ayay ka codastay  in dib loo furo xabaasha oo la baadho . Markii la furayna waxa laga helay lacagtii oo dhan oo aan weli duugoobin oo ku kaydsan barkimadaasi. Dadka qaarkood bakhaylnimo halka ayaa gaadheen iska dhaaf inay nool yihiin inay wax bixiyaan, waxa aanay ogolayn in marka ay dhintaan xoolahooda laga faa’iidaysto waxaana ay jecel yihiin in lala aaso. Dadka qaarkood ayaa ah bakhayliin oo xataa aan qudhayn inay ilka cadeeyaan.

Dawannews Hargeysa office

 

 

 

 

Leave a Reply