Sidee Loo Tijaabiyaa Sunta Dagaalada Loo adeegsado!

0
738

Wakhtiyadii dagaalada 1aad iyo 2aad iyo intii ka danbaysa ee nabaddaba  iyadoon aan la tixgelin insaaniyadda oo lagu tumanayo akhlaaqda guud ayay dawladaha  qaarkood abuureen xarumo shaybaadho ciidan oo lagu sameeyo baadhitaanka si horumar loogu sameeyo bakteeriyada  dilaaga ah.

Xarumaha cilmiga Militeriga ayaa dadka ka dhigtay sidii beer ay leeyihiin  oo maaalinba qayb ka mid ah ku sameeyaan baadhitaano iyaga oo siinaya dawooyin tijaabo ah. Waxaana jiray toddoba xarumood oo ciidan oo loo yaqaano kuwa ugu cabsida iyo gumaadka badan dunida.

 

 Ruushka wuxu lahaa shaybaadh ay adeegsadaan ciidankiisu, kaasi oo si weyn u farsameeyay sun badan oo kala duwan oo ay ka mid tahay Mustard Gas, Ricin iyo Sayani. Waxaana loo adeegsaday suntan maxaabiis badan oo tijaabadii ku dhintay iyo siyaasiyiin mucaarid ah oo noloshoodii ku waayay.

 

Ujeedada arrinkan foosha xun laga lahaana wuxu ahaa in la sameeyo maadooyin sun ah oo aan dhadhan iyo ur midna lahayn si loo ogaado mudada ay ku qaadan karto inay  qof ku disho si loogu adeegsado dadka ay doonayaan sirdoonka Ruushka (KGB)  inay khaarajiyaan.

Waxaana loo adeegsaday madax iyo shakhsiyaad badan oo ka mid aha sirdoonka iyo siyaasiyiintaba, iyadoo uu ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Yukrain oo noloshiisa ku waayay suntaasi.

Dawannews Hargeysa office

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply