Oday 100 Jir Oo Ka Badbaaday Xanuunka!

0
692

Oday da’ ah oo 101-sano jiray oo u dhashay dalka  Talyaaniga ayaa ka soo kabtay xanuunka COVID-19, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Talyaaniga ANSA.

Odaygan oo loo yaqaano Mr. P, ayaa isbitaalka la dhigay ka dib markii laga helay cudurka COVID-19 waxaana la dhigay isbitaal ku yaal magaalada Rimini ee dalkaasi sida ay ANSA werisay.

Odaygan ayaa la sheegay inuu dhashay sanadkii 1919 waagaasi oo uu dunida uu ka dhacay cudur kan la mid ah oo dilay dad gaadhaya 100 milyan.

Goloriya Lisi oo ah ku xigeenka maayarka magaalada Rominey ee dalkaasi oo Odaygani degan yahay ayaa sheegtay in Mr.P uu yahay mid nasiib badan iyadoo gurigiisa uu ku laabtay markii Isbitaalku cadeeyay inuu bogsday.

Warbixin caafimaad oo ay saartay waaxda caafimaadka Talyaaniga ayaa cadaysay in dadka xanuunkan u dhintay 86% ay yihiin bukaano ay da’doodu ka weyn tahay 70 sano.

Odayga P ayaa la sheegy inuu noloshiisa soo arkay wax badan oo masiibo iyo barwaaqoba leh, sida dagaalo, gaajo, xanuuno, dhibaato iyo horumarba. (dailymail.co.uk)

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply