Xanuunka Covid-19 Iyo Beenaha Faafay

0
490

Tan iyo markii uu dunida sida weyn ugu faafay xanuunka Covid 19, waxa caalamka ku habsaday walaac, werwer iyo naxdin joogto ah , waxaana soo baxay eeno la faafinayo iyadoo laga gudbinayo baraha bulshada iyo telefoonada, kuwaasi oo ah dawada xanuunkan mucjisada noqday.

Dalka Kiiniya dadka dalkaasi ayaa telefoono isugu dirayay in shaaha bigayska ahi uu dawo u yahay xanuunkan.

Dalka Nayjeriyana Wadaad ka tirsan kiniisidda Glorous laguna magacaabo David Kingleo  ayaa sheegay inuu isagu dawadii helay oo doonayo in dalka Shiinaha tago si uu xanuunka halkaasi ugu baabiiyo waana markii uu Shiinaha ka dilaacay. Laakiin maamlo ka dib waxa soo baxay in ninkaasi markii uu tegay Shiinaha uu isaga laftiisa ku dhacay oo la dhigay Isbitaal.

Waxa kale oo dalka Nayjeriya lagu faafiyay in Maraqa basbaaska lagu daray uu dawo ka yahay xanuunkan, iyagoo dadka dalkaasi si aada isugu diray oo weliba raacinaya in dad qabay ay ku bogsadeen.  Hay’adda caafimaadka caalamka WHO ayaa sheegtay in xanuunkani uu keenay beeno iyo kutiri kuteen badan oo ay dad badan rumaysteen.

AFP ayaa iyana tebisay in jasiiradda Cape Verde ee galbeedka Afrika ay ku fiday been baraha bulshada la isagu gudbiyay, taasi oo ay sheegeen in dhakhtar Baraasiil u dhashay uu sheegay in caleenta geedka Fennel oo la karsadaa ay dawo ka tahay xanuunkan Coronovrius.  Arintaasi ayaa keentay in geedkaasi laga waayo suuqa lagu iibin jiray iyadoo mar keliya ay dadkii wada gurteen. Laakiin wasaaradda caafimaadka dalkaasi aya dadka uga digtay inay beentaasi faafiyaan.

Who ayaa sheegtay in waxa keliya ee laga hortegi karaa xanuunkan ay tahay iyadoo la ilaaliyo nadaafadda iyo in si joogto ah loo faraxasho, isla markaana aanay dadku meel keliya isugu imaan.

Dawannews Hargeysa office

 

 

Leave a Reply