“Waa in dalka la keena Mashiinka lagu baadho Fayraska qaadkana la Joojiyo”

0
789

Mulkiilaha  Shirkadda qaadka ee Faraska Cad Cabdi Xuseen Cismaan  oo ka mid ahaa masuuliyinta shirkaddaha qaadka ee shalay kulanka la qaatay guddiga qaran ee ka hortaga Fayraska CoVID-19 ayaa sheegay in shakhsi ahaan uu qayb ka qaadanayo lacagta lagusoo iiibinaayo mashiinka lagu baadho fayraska si looga maarmo dheecanada debadda loo diro .

 

 

 

Cabdi Xuseen Cismaan (Cabdi-faras) ayaa xukuumadda usoo jeediyey in meel looga soo wada jeesto sidii dalka loo keeni lahaa mashiinka lagu baadho fayraska oo aan laga helin waddamo badan oo qaarada Afrika ah “ Waxa aan guddida ka maqlaa iyaga o oleh dheecan ayaa la qaadaya debadda ayaa la gaynayaa , taajiriinta Somaliland waa badd, marka si aynu uga badbaadno dheecaanka debadda loo qaadayo in dadka lacagta haysta ee magaalada oo aan kow ka ahay in lacagta lana ka qaado oo qalabka la dalbo si aynu uga badbaadno dheecaanka debadda loo qaadayo “ ayuu yidhi

 

Mulkiilaha  Shirkadda qaadka ee Faraska Cad Cabdi Xuseen Cismaan  , waxa uu Xukuumadda Xasuusiyey muhiimada ay leedahay in dalku yeesho Ogsajiin ku filin , waxanu ku baaqay in joojiyo gab ahaan qaadka dalka la keeno si loo badbaadiyo bulshada , waxana uu yidhi “Waxa aynu u baahan yahay Ogsajiin badan , waayo cudurkan waxa uu samaynayaa Sanbabada oo wuxu u baahan yahay hawo badan markaa waxa aynu kaga badbaadaynaa Ogsajiin. Anigu waxa odhan lahaa qaadka la joojiyo waxanan ka ahay kaalinta kowaad qofka qaad ka joojinaaya magaalada waayo waxa la badbaadinaya bulshadii”

 

Leave a Reply