Jidka Bali-gubadle iyo Dhagax-buur oo Dhismihiisu Meel Fiican Marayo

0
951

Harshin (Dawan) Shacabka degmada Xarshin ee gobolka Faafan iyo ka degmada Dhagax-buur ee gobolka Jarar, ayaa iska kaashadey sameynta waddo dhererkeedu dhan yahay 85-km.

Waddadan oo ka soo bilaabanta degmada Bali-gubadle ee xudduuda Somaliland ayaa waxaa ay waddadani sii dhexmari doonta tuulooyin iyo dhul Hawd ah labadaba, waxaaney wadadani laamida kaga dari doonta tuulada Higlaleey ee gobolka Dhagax-buur, waxaa dhismaheeda iska kaashaday shacabka labada gobol iyo qurba joogta ka soo jeeda, ayaa waxaa waddadani hagaajinteeda iyo sameynteeduba gaadhay 43-km.

Waxaa shacabkani soo kireysteen Cagafyada dhirta jara iyo kuwa wadooyinka xaadha labadaba, waxaney aad ugu han weyn yihiin inay wadadan ku dhammeystiraan ka qayb galka dadweynaha ee labadaasi gobol, isaga oo xafiiska jidadku bulshadaasi ku taageeray dhanka farsamada iyo cabirka labadaba.

Waxaa dhismaha waddadani kormeer ku tagey wasiirka jidadka ee DDS mudane Rooble Cawaale Bucul ayaa sheegay in qayb mihiima ay ka qaadan doonto dhanka koboca dhaqaalaha “Waddadan ay sameysteen bulshada degmadda degmada Xarshin gaar ahaan Bali-gubadle iyo dhammaan bulshada ku nool Laanqeyrta, waxaaney waddadani isku xidheysa Bali-gubadle ilaa Higlaley, waxaaney dhan tahay 85-km , waxaanay sameeyeen 43-km oo ku joogta Bali-gubadle ilaa Cafufley, waxaana dhiman 42-km, waxaananu xafiis ahaan ka caawineynay dhanka farsamada iyo cabirka, bulshaduna waa ay is abaabushay, dhammaan kharashka ku baxayana bulshada ayaa iska bixisay oo wadadani furatay, ujeedaduna waxaa ay aheyd in la isku xidho Bali-gubadle oo ah xuduuda aynu la leenahay Somaliland iyo ilaa Dhagax-buur, oo meesha Higlaley la yidhaaho laamida kaga dhacaysa, taasi oo bulshadu uga dan laheyd isku xidhka labada bulsho, inta badana wadadani waxaa mara bagaashka raashinka guud ahaan gobolada kale ee ilaa Godey, Dhagax-buur, Jarar ilaa Shabbeele, Qabri-dahar, waxaa taga oo dhammi halkani ayay soo maraan, marka dhaqaalahaasina waa isku xidhi doonta.
Marka anagu ka dowlad ahaan waanu araggnay dadaalka badan ee ay bulshadu sameyneyso in aanu anaguna cabirka waddada ka dawlad ahaan aanu ku darsano, inta ay sameeyeen mooyaane aanu qorshe kale ugu darno, oo aanu soo aragno ayay ujeedadayadu aheyd”

Gudoomiyaha degmada Xarshimeed oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa dul istaagay jidkani iyo faa’iidada uu yeelan doono “Wadadani waxaa ay ka bilaabanta Bali-gubadle oo xadka Somaliland ku yaala ilaa Higlooley ay gaadho ayaa ujeedada loo sameynaya ay tahay wadadani, waana 45-km ayaa la sameeyay intii kalena hada cabirkeeda ayaa la saxay oo waa ay socotaa, cida sameysay bulshada degmada degmada Xarshimeed”

khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Sawirka jidka isku xidha magooliyinka Bali-gubadle iyo Dhagax-buur

Leave a Reply