Sool: Kulan Bulshadda Lagaga Wacyigelinayo Covid-19 Oo Laascaanood Lagu Qabtay

0
526

Laascaanood (Dawannews): Jaamacadda Nugaal ee magaaladda Laascaanood waxaa maanta lagu qabtay kulan bulshadda gobolka Sool lagaga wacyigelinayo xanuunka dunida aafeeyay ee Covid-19.

Waxaana kulankaasi soo qaban qaabiyay guddiga heer gobol  ee  ka hortaga Corona Virus ee gobolka Sool, iyo maamulka gobolka Sool.

Kulankaasi wacyigelinta ah waxaa ka soo qayb galay maamulka gobolka Sool, ka degmadda Laascaanood, bahda caafimaadka gobolka Sool, madax dhaqameed, waxgarad, ganacsato iyo dadweyne kale.

 

Dawannews.com/Hargeisa Office.

Leave a Reply