Xiisad ka dhex taagan dawladdaha Pakistan iyo India

0
598

Ciidamada Pakistan ayaa sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn (Drone) oo ay leedahay India ay kusoo rideen Kashmir, iyada oo ay sii korortay xiisadda ka dhe oogan labada dal ee ka taagan xuduudda dhulka lagu muransan yahay.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay garabka warbaahinta ee ciidamada, diyaaradda India oo ahayd mid wax basaasta ayaa 600 oo meter gudaha usoo gashay xuduudda Kashmir ee labada dal ee loo yaqaan Khadka Maamulka (LoC).

“Ficilkan gardarrada ah waxaa si cad uga jawaabay askarta ciidanka Pakistan oo soo riday diyaaradda India,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay ciidamada.

Afhayeen u hadlay ciidamada India ayaa sheegay in diyaaradda aanay lahayn dawladda India.

Dhacdadan ayaa timid iyada oo Pakistan iyo India uu midba midka kale ku eedeeyey inuu jebiyey heshiiska xabad-joojinta ee Khadka Maamulka, oo labada dhinac ay isku weydaarsadeen hoobiyeyaal.

Xiisadda labada dal ee ku hubeysan hubka Nukliyeerka ayaa ka dartay bishii Febraayo ee 2019, iyada oo India ay duqeymo ka fulisay gudaha Pakistan, kadib markii ay ku eedeysay inay gabbaad siisay koox fulisay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Kashmir kaasi oo lagu dilay 40 ka mid ah ciidamada sida militariga u tababaran ee India.

Pakistan ayaa maalinkii ku xigay ku jawaabtay weerar, iyada oo soo ridday diyaarad dagaal oo India ay leedahay, islamarkaana qabatay duuliyihii waday, taasi oo labada dal qarka u saartay dagaal buuxa.

AFP

Leave a Reply