Qaar ka mid gaadiidka dawladda Somaliland oo loo diray gobollada Dalka

0
763

Guddida heer qaran ee ka hortaga Xanuunka Koofidh19 ayaa maanta Gobollada iyo Degmooyinka Dalka u kala diray Gaadiidkii iyo dadkii wacyigelinta gaadhsiinayey oo dhammaantood ah Gaadiid ay leedahay Dawladda Jamhuuriyada Somaliland.

Image may contain: car, sky and outdoor

Guddoomiyaha Guddida ka hortaga Xanuunka Koofidh19 ahna Madaxweyne ku xigeenka Jamahuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in guud ahaanba Gaadiidka u kala baxaya degmooyinka dalka ay yihiin 62-gaadhi oo ah gaadiidkii dawladda.

Image may contain: 2 people, people standing and suit

gadiidkan ayaa la saaray Waraaqaha Wacyigelinta iyo Saabuunta, si loo gaadhsiiyo degmo kasta iyo tuulo kasta oo dalka ah, waxanu Madaxweyne ku xigeenku tibaaxay in hawl-wadeenada caafimaad ee wacyigelintaasi fulinaya ay saaran tahay masuuliyad weyn.

Guddigu waxay Wacyigelin isku mid ah u direen Bulshada oo ay ugu baaqeeen inay ku dedaalaan Nadaafada, sidoo kalena ay sameeyaan kala fogaashaan oo aanay Bulshadu samayn isu soo dhawaad.

Leave a Reply