Hay’ad WADDANI ah oo ku wareejisay Xukuuamdda shixnad Qalab Caafimaad ah

0
602

Hargeysa(Dawan)-Hay’adda WADDANIGA ah ee HARO, ayaa agab isugu jira difaacayaal iyo jeermis-dileyaal ku wareejisay guddida heer qaran ee xakamaynta cudurka Corona Virus munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa maanta.

Agabkan oo ka kooban Qalabka Afka iyo Sanka lagu daboolo, kuwa gamcaha lagu xidho iyo dareerayaasha difaaca jeermiska (Gloves, Mask and Antigermis), xajmigeeduna badan yahay, ayaa Hay’adda HARO waxa ay ugu talo-gashay in ay kaga qayb-qaadato dedaalka ka-hortagga iyo xakamaynta cudurka Corona Virus, waxaana ka guddoomay Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka oo ay weheliyaan xubno kamida Golaha Wasiirrada ee guddida kula jira.

Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar oo kamida masuuliyiinta Hay’ada HARO oo ugu horayn ka hadlay munaasibada, ayaa sheegay in taakuladani ay ka kooban tahay Afar iyo toban kun shay oo isugu jira Galoofiska gacmaha lagu xidho iyo Maryaha sanka iyo afka lagu daboosho iyo sidoo kale kun iyo boqol xabo oo ah dareerayaasha Jeermiska dila ee lagu faro-maydho.

Waxa uu intaasi ku daray in ay Hay’addiisa oo horena uga shaqayn jirtay howlaha samo-falku, iyadoo ka duulaysa baahida loo qabo agabka xilligan lagu jiro xaalada adag ee la-dagaalanka iyo ka-hor-tagga caabuqa adduunka faraha ba’an ku haya ee Corona Virus, ay deeqdan diyaarisay, kuna wareejisay guddida heer qaran, waxaanu Ururrada kale ee dalka ka jira qaybaha bulshada u soo jeediyey in la jooggo wakhti iskaashi qaran lagu gaashaaman karo.
“Hay’adda HARO waxa ay guddida heer qaran ee aafada Corona Virus ku wareejinaysaa maanta, qalab caafimaad oo ka kooban Gloves-ka gacmaha lagu xidho oo ah 7000 oo Sed, Maryahan sanka iyo afka lagu daboolo oo iyaguna ay xidhan karaa 7000 Qof, sidoo kale waxay hay’addu ku wareejisay guddida kun iyo boqol xabadood oo ah Daawada jeermiska dila (antibacterial liquid).ayuu yidhi Sh. Maxamuud Cabdiraxmaan.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr. Cumar Cali Cabdilaahi oo ku hadlay afka guddida heer qaran ee uu madaxweyne ku-xigeenku hogaaminayo oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ay kaalmadani tahay tii ugu balaadhnayd, uguna baahida badnayd ee guddida ka soo gaadha Ururrada iyo Hay’addaha waddaniga ah ee dalka, waxaanu mahad-celiyey Hay’adda HARO iyo maamulkeeda.

“qalabkan caafimaad ee aanu Hay’adda HARO kala wareegnay oo ah qalab lagama maarmaanka u ah xakamaynta cudurkaas, anigoo ku hadlaya afka guddida qaran ee ka-hor-tagga cudurka CORONA VIRUS, waxaan aaminsanahay in ay tahay gacantii ugu weynayd ee ay dadka muwaadiniinta gudaha ahi na soo gaadhsiiyaan”ayuu yidhi.

Wasiirka ayaa isagoo hadalkiisa sii wata sheegay “xannuunkan sidaan hore u sheegnay waxa lagaga bixi karaa xakamayntiisa isku-tashi Qaran, markaa hay’adda HARO aadbay ugu mahadsan yihiin, waxaanan aaminsanahay in ay horseedi doonto kaalmadani in ay Hay’addaha kale ee waddanka, Ganacsatadeena iyo dadka kale ee gudaha iyo dibadu ku soo dhiiran doonaan in ay ka qayb-qaataan deddaalkaa aynu ugu jirno in ay dadkeena kaga badbaadino aafada cudurka”.

Leave a Reply