Xoghayaha Cusub Ee Gobolka Saaxil Oo Xilka La Wareegay

0
1229

Berbera (Dawan): Badhasaabka gobolka Saaxilayaa maanta xilka ugu kala wareegay xoghayaha cusub ee gobolka Saaxil Nuux Maxamed Saleebaan, iyo xoghayihii hore ee gobolkaasi.

Munaasibadda xil wareejinta xoghayaha cusub oo lagu qabtay xarunta gobolka Saaxil ee magaaladda Berbera waxaa ka soo qayb galay badhasaabka gobolka Saaxil, maareeye ku-xigeenka dekadda Berbera iyo isu-duweyaasha wasaarradaha dawladda ee gobolka Saaxil.

Sidoo kale waxaa xafladaasi ka soo qayb galay xubno ka tirsan agaasime-waaxeedyadda maamulka gobolka Saaxil, ka degmadda Berbera iyo masuuliyiin kale.

Badhasaabka  gobolka Saaxil oo hadal ka jeediyay munaasibadii uu xilka ugu kala wareejinayay xoghayihii hore iyo xoghayaha cusub  ayaa ku booriyay agaasime-waaxeedyadda iyo isu-duweyaasha wasaarradaha gobolka in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan xoghayaha cusub.

Eng. Axmed Cismaan Xasan, waxaanu sheegay in uu wanaagsan oo isku duubni ay ka muuqato uu ula shaqayn doono xoghayaha cusub.

Waxaanu guddoomiyuhu intaas raaciyay in aanu xoghaye Nuux Maxamed Saleebaan ku cusbayn gobolka Saaxil, isla markaana uu muddo hore ka soo shaqeeyay.

Geesta kale Nuux Maxamed Saleebaan, xoghayaha cusub ee gobolka Saaxil oo xafladii uu xilka kula wareegayay ka hadlay ayaa sheegay inuu shaqadda halkii xoghayihii isaga ka horeeyay ka sii wadi doono.

Waxaanu balan qaaday in uu ku dedaali doono inuu shaqadda qaranka u gudan doono simasuuliyad, hufnaan iyo daadacnimo ku dheehan tahay, isla markaana aanu waxba ka hagran doonin intii karaankiisa ah.

Nuux Maxamed Saleebaan, ayaa ku amaanay masuuliyiinta gobolka Saaxil iyo ka degmadda Berbera sida isku duubnaanta leh ee ay u wada shaqeeyaan, taasoo uu sheegay in ay ka muuqato gobolkoo dhan.

Dhinaca kale  qaar ka mida agaasime-waaxeedyadda oo madashaasi hadallo ka jeediyay ayaa dhamaantoodba balan qaaday in ay si wanaagsan ula shaqayn doonaan xoghayaha cusub ee gobolka Saaxil.

Kuwaasoo sheegay in ay hubaan in xoghaye Nuux Maxamed Saleebaan, uu yahay masuul ay hubaan in uu shaqadiisa si wanaagsan uga soo bixi doono, isla markaana aanu hadda ku cusbayn gobolka Saaxil oo uu hore uga soo shaqeeyay.

Halkan Ka Daawo Hadaladii Munaasibadaasi laga Jeediyay:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply