Maareeyaha Dekadda Berbera Oo Ka Hadlay Markab Muddo Ku Xayirnaa Dekadda

0
622

Berbera (Dawan): Markab muddo bil ah ku xayirnaa Badda u dhaw dekadda Berbera oo loo diiday in lagu soo xidho dekadda ayaa xalay loo ogolaaday in la soo xidho alaabtana laga dejiyo.

Markabkaasi oo ay leedahay shirkadda Koonteenaradda ee PILL Pacific International, isla markaana u ararrnaa ganacsato reer Somaliland ayaa muddo badan ku xayirnaa Badda.

Kaasoo la sheegay in maamulka dekadda Berbera ay diideen in la soo xidho, alaabtana laga dejiyo. Sababo la xidhiidha lacago ama kharashaad hore oo lagu lahaa markabkaasi awgeed.

Hase yeeshee codsiyo maamulka dekadda Berbera uga yimid ganacstadda reer Somaliland ee markabkani u rarrna darteed waxaa xalay la ogolaaday in markabkaasi lagu soo xidho dekadda badeecadaha uu sida-na laga dejiyo.

Sida uu sheegay maareeyahay dekadaha Somaliland Siciid Xasan C/laahi, oo maanta warbaahinta la hadlay.

Inkastoo lagu heshiiyay in marka alaabooyinka uu sido markabkaasi laga dejiyo waxa uu ku sii xayirnaan doono dekadda Berbera ilaa inta la bixinayo lacagta loo haysto.

“Wuu jiraa markabkaasi, oo dhawr iyo labaatan cisho ayaan dekadda lagu soo xidhin.  Sababo la xidhiidha kharashaadkii loogu shaqeeyay oo lagu yeeshay. Sidaa awgeed, weli kharashaadkii lagama hayo.

Hase yeeshee anagoo tixgelinayna ganacsatadda Somaliland, waxaan go’aansaday in markabkaa lagu soo xidho dekadda. Badeecadda uu sida-na laga roggo.

Kadib-na Andrich-ka Badda uu ku xayirnaaddo inta la bixinayo Daynta laga rabo markabkaasi”ayuu yidhi maareeyaha dekadaha Somaliland.

Siciid Xasan C/laahi, oo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Anagoo u danaynayna ganacstadda reer Somaliland, maadaama oo uu markabkaasi sido alaabooyinkii bisha Ramadaan loogu tallo galay.

Waxaanu go’aansanay, haddii aanu nahay hay’adda maamulka dekadaha Somaliland, wasaaradda ganacsiga  iyo rugta ganacsigu-ba, in markabkaasi lagu soo xidho dekadda, laga-na roggo alaabta.

Markabkaasi xalay 12-kii habeenimo ayaanu dekadda ku soo xidhnay, alaabtii uu sidayna waa laga dejinayaa, waanay sharuunayaan macaamiishu, hawshuna sidaas ayay ku sosonaysaa”.

Lacagta loo haysto markabkan ayaa la sheegay in ay tahay mid loogu shaqeeyay muddo hore oo uu dekadda Berbera yimid.

Maareeyaha dekadaha Somaliland ayaa shirkadda PILL  ku eedeeyay in ay ka dhego-adaygeen markii loo sheegay in markabkaasi aan loo shaqayn doonin ilaa inta ay bixinayaan lacagta lagu leeyahay.

“Lacagtaasi lagu leeyahay markabka, waa lacag ay leedahay dekadda qaybaheedda kala duwan. Mudaddii uu markabku taagnaa Badda, waxaa loo sheegay in aan loo shaqayn doonin ilaa uu bixiyo lacagtii hore.

Shirkadda PILL way ka dhego-adaygtay markii hore, waxaanay ku sheegtay in markabka loo haysto arrimo caafimaad. Dadka-na DO-gii ayay u soo direen, taasoo khal-khal badan ku keentay dadkii”ayuu yidhi Siciid C/laahi Xasan, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa..

Geesta kale markabkan ayaa marka laga roggo alaabooyinka saaran waxa uu ku sii xayirnaan doonaa dekadda Berbera. Ilaa inta xal loo helayo lacagta ay dekaddu ku leedahay.

Sida uu sharaxayo maareeyaha dekadaha Somaliland,  “Markabka marka laga roggo Koonteenarrada, waxaa la saari jiray awal, Koonteenarrada faaruqa ah. Imika markabkan lama saarayo Koonteenarrada faaruqa ah, ilaa inta la xalinayo wixii ku saabsan xisaabaadka loo haysto.

Dhinaca dekadda Berbera waxaa maamusha shirkadda Imaaraadka ee DP World oo ay xukuuadda Somaliland ku wareejisay, gaar ahaan qaybaha rogista iyo dejinta alaabooyinka.

Laakiin, maamul guud ee dekadaha Somaliland waxaa ka masuul ah wakaaladda dekadaha, sida uu ku doodayo Siciid C/laahi Xasan.

“Guud ahaanba dekadaha dalkoo dhan, waxaa maamusha hay’adda dekadaha Somaliland. DP World waxay ka maamushaa qayb ka mida, oo ah rogista iyo dejinta alaabooyinka”ayuu yidhi maareeye Siciid.

 

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply