Sool: Maleeshiyaad Ka Soo Goostay Jabhadda SCC Oo La Soo Dhaweeyay

0
833

Yeyle (Dawan): Saraakiisha taliska qaybta 7aad ee ciidamadda qaranka Somaliland ayaa maanta soo dhaweeyay maleeshiyaad tirro badan oo ka soo goostay jabhadda SSC oo fadhigeedu yahay magaaladda Buuhoodle.

Maleeshiyaadkan oo lagu soo dhaweeyay deegaanka Yeyle, oo ka tirsan gobolka Sool waxaa u soo gelbiyay dhinaca fadhiisinka ciidamadda qaranka Somaliland maayarka degmadda Buuhoodle iyo maayarka degmadda Ceegaag.

Abaan-duulaha qaybta 7aad ee ciidamadda qaranka Somaliland gaashaanle dhexe Ibraahim Ashkir, ayaa ku boogaadiyay jabhadan ka soo goostay maleeshiyadda SSC go’aankoodda.

Geesta kale taliyihii hogaaminayay maleeshiyaadkan soo goostay ayaa ka hadlay sidii ay ku soo baxeen iyo sababaha ku kalifay in ay isku soo dhiibaan taliska qaybta 7aad ee ciidamadda qaranka Somaliland.

Halkan Ka Daawo Hadaladii Saraakiisha iyo Maleeshiyaadka Soo Goostay:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

 

Leave a Reply